XOG: Ajaaniib lagu maxkamadeynayo Muqdisho!

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maanta Maxkamada Gobolka Banaadir lasoo taago rag la sheegay inay yihiin ajaanib Magaalada Muqdisho kusoo gashay amar la’aan iyaga oo aan wadan wax sharci dal ku gal ah.

Soo taagida Maxkamada Ajaanibtaani ayaa waxaa goordhow xaqiijiyay Taliyaha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Cabdullaahi Gaafow, waxa uuna sheegay in Maxkamada uu u gudbiyay illaa 27 Ajnabi oo qaab qaldan kusoo galay Muqdisho.

Taliyaha waxa uu sheegay in danbiilayaasha ajaanibta ah ay mudooyinkaaniba u xirnaayen Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, hayeeshee maanta lagu ballansan yahay in Maxkamad lasoo taago islamarkaana dacwadooda maanta la qaadayo.

Taliska Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Somalia ayaa sheegay in qof ajnabi ah oo aan ruqsad ka heysan waaxdaasi aanu iska soo geli Karin dalka.

Lama oga waxa uu xukunkooda noqon doono Ajaanibtaani, inkastoo DF Somalia ay aad u qiimiyso ajaanibta hadana ma cadda in lasii deyn doono iyo inkale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com