Xog: Yaa xilka ka qaaday MUUNGAAB ma Xasan Sheekh mise….? (Shaacin sir dadka ka qarsan).!!

Muqdisho (Caasimada Online)- 04-Mar-2014 oo ahayd markii uu xilka kala wareegay gudoomiyihii hore ahaana duqa muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, ayaa waxaa uu bilaabay howlihii loo magaacabay ee maamulida gobolka banaadir,

Sadexbilood ka dib markii uu Muungaab  qabtay xilka maamulka gobolka banaadir ayaa waxaa uu joojiyey  howlo isaga hortiis socday oo ahaa samaynta National IDga , waaxda dad dhigista, warqadaha aqoonsiga soomaalinimo, Baasaboorka iyo kuwo kale  taasoo cabasho ka timid  baarlamaanka loo gudbiyey ka dib uu joojiyey.

Makiinadaha lagu daabaco baasaboorka soomaaliga, ayaa waxaa iska leh  Faarax Sheekh C/qaadir  iyadoo uu oga  masuul yahay howshaas Cumar Daahir C/raxmaan  oo ah nin ay ilmo adeer dhaw yihiin  Faarax, una ah gacan yare inta badan waxaa uu gacanta ku hayaa qalab ka ay leehiyihiin ururka damu jadiid , qalabkaasna waxaa ka mid ah idaacado Fm ah ,

Muungaab intii uu xilka uu haayey ayaa waxaa dhacday in Faarax C/qaadir uu u gudbiyey in C/kariin Xuseen guuleed oo ah Madaxweynaha Galmudug oo siiyo Bishii Lacag dhan labo boqol oo kun oo dollar, taasoo uu ka biyo diiday muungaab isagoo ka gows haysto Madax weynaha  una sheegay dalabkaas kadibna isaga iyo madaxweynaha isla garteen in wadada uu marsiieyey muungaab ay mid sax ah.

Muungaab halkaas waxaa uu ka helay kalsooni xaga madaxweynaha ah waxaa uuna  markasta la wadaagi jiray waxyaabaha docwareenka ah ee ka yimaada saxiibadiisa damu-jadiid.

Iyadoo ay taasi jirtay ayaa hadana waxaa markale gudoomiye Muungaab inta uu xilka haayey u tagay wasiirka arimaha gudaha  kaas oo ka dal baday bishii qarasha dhan boqol kun oo dollar in uu siiyo si uu isaga fududeeyo howlo badan oo horyaala oo aan dhaqaale loo heyn , hase yeeshe Muungaab waxaa uu u sheegay in uu la yimaado saxiix madaweyne oo uu ku baxsho qarashkaan maadaama labadooduba digreeto madaxweyne lagu wada magacaabay awoodna aysan u lahayn in lacag la iska baxsho.

Taasi waxay sababtay in shir ay isugu yimaadaan jamaahiirta Damu-jadiid , Faarax C/qaadir , C/kariin Xuseen Guuleed ,  Mr wasiirka arimaha gudaha Odawaaa, ninka lagu magacaabo Cumar Daahir,  Wasiirka dhalinyarada   lagu magaaco Nuux, iyo nin  magaciisa lagu sheegay Afrax oo ay iyaga markaas u wadaan in loo magacaabo bogolka banaadir , waxaa dood dheer ka dib madaxweynaha ugu han jabeen in uu kala doorto ama Muungaab ama iyaga, Xasan sheikh ayaa isagu ku andacooday  in muungaab uu yahay ninkii uu amaanaayey maalmihii la soo dhaafay kagana qeyb galayey xafladihii uu dhigayey dadweynaha uu u sheegayey in uu yahay nin wax qabtay.

Hase yeeshee is jiid jiid ka dib waxaa uu aqbalay madaxweynaha codsigoodii oo ahaa In xilka uu ka qaado gudoomiyaha gobolka hase yeeshee Xasan sheikh waxaa ka biyo diiday ninkii ay wadeen ee Afrah, oo iyaga ay u arkayeen nin la fahmi karo waxa ay rabaan taas ayaan keentay in uu uu madaweynaha magacaabo Yuusuf Jimcaale Boorsaani .

Muungaab ayaa waxaa uu waday howlo ay ka mid ahaan isu furida wadooyinka xir xiran ee gobolka banadir iyo dhismayaal la rabay in uu dhagax dhigo 15 November wadada wadnaha ee halbowlaha u ah umada soomaaliyeen

Hadabada maxay noqon doontaa natiijadooda qodobadaan kala ah

1 Lacagiihii uu diiday in uu ku bixiyo qaabka sharci darada ah

2 wadooyin uu waday in uu furo  sida wadada |UNDP ee Airporka

3 iyo Dhagaxdhigii 15- November uu rabay in uu dhagax dhigo wada wadanaha

Yaase xilka ka qaaday

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com