Beesha Sade oo isku dhiibtay Axmed Madoobe.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo uu dhawaan Magaalada Muqdisho ka dhacay kulan u dhexeeyay Siyaasiyiinta Beesha Mareexaan, kaasi oo ay kaga arinsanayeen taageerida Maamulka Axmed Madoobe iyo Xukuumada uu soo dhisaayo, ayaa waxaa lagu go’aamiyay qodobo dhowr ah.

Qodobada lagu go’aamiyay ayaa waxaa kamid ahaa in si sinaan ah loo taageero Hogaamiyaha Jubba Axmed Madoobe, in laga hortago cid waliba oo maamulkaasi ka soo horjeeda iyo in Axmed Madoobe garab lagu siiyo dhismaha Golaha Wasiirada Maamulkaasi.

Siyaasiyiinta Beesha ayaa iminka u ololeyneysa in la mideeyo garabyada Mucaaradka Maamulka Jubbaland iyo kuwa Muxaafidka ah, si meesha looga saaro xurgufta labada dhan u dhexeysay.

Wajiga labaad ee shirkaani ayaa lagu wadaa in Kismaayo uu ka dhaco Taariikhdu marka ay tahay 07/11/2015 oo ku beegan daba yaaqada isbuucan.

Waxaa si wada jir ah uga soo qeybgali doono Siyaasiyiinta Beesha Mareexan iyo garabka Muxaafidka ee Axmed Madoobe taabacsan, iyadoona halkaasi looga dhawaaqi doono gudiyo arrintaasi u ololeeya.

Dhanka kale, is dhiibida Siyaasiyiinta Beesha ayaa imaaneysa xili Axmed Madoobe uu qorsheynaayo in Siyaasiyiin badan oo kasoo jeeda Beesha uu kusoo darro Xukuumada cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com