DHEGA-BADAN oo lagu aasayo mee ka baxsan…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in hadda ay ka socoto qaban qaabada aaska dadkii ku dhintay weerarkii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Dadka dhintay oo u badnaa dad magac ku lahaa bulshada ayaa waxaa salaada Janaasada haatan lagula dukanayaa madaxtooyada Soomaaliya, waxaana kamid ah C/rashiid Ilqeyte milkiilihii hotel Saxafi iyo xubno kale oo dowlada ka tirsanaa.

Balse wararka aan heleyno ayaa sheegaya in general Dhagabadan lagu aasayo meel ka baxsan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in Dhagabadan lagu aasi doono deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo uu kasoo jeedo dhalasho ahaan.

Waxaa socoto qaban qaabada loogu diyaar garoobayo sidii meydka marxuunka loo geyn lahaa deegaanka Xeraale, iyadoo qorshaha uu yahay in laga dejiyo magaalada Dhuusomareeb.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com