Hogaamiyaha Alqacida oo fariin cusub soo diray

Muqdisho (Caasimada Online) – Fariin maqal ah oo uu soo diray Hogaamiyaha xagjiriinta Al-qacida Ayman Al Zawahiri ayaa waxa uu ku dalbaday in shabakad mideysan ay yeeshaan Xoogaga uu ugu yeeray Islaamiyiinta.

Fariinta Al Zawahiri ayaa si gaar ah u taabaneyso Maleeshiyaadka ka dagaalanta Siiriya iyo Ciraaq ay cududooda mideeyaan si uu yiri ay isaga caabiyaan duulaanka ay kusoo qaaden Maraykanka, Yurub iyo Ruushka.

Cajalad Maqal ah oo uu shalay soo diray ayuu ku dalbaday in Daacish ay islaamka ka dhex saarto waxa uu ugu yeeray tafaraaruqa iyo sii kala fogeynta Jihaadiistayaasha dagaalka kala soo horjeeda reer galbeedka.

Zawahiri ayaa dhawaan cajalad uu shaaciyey ku tilmaamay kooxda ISIS iyo khilaafada ay ku dhawaaqeen mid aan sharci ahayn, balse hogaamiyaha Al Qacida ayaa doonaya inuu gacan-saar la yeesho kooxda ISIS oo ay ku biireen kooxo badan oo horey uga mid ahaan jiray Al Qacida.

Arrintaani ayaa sii xoojineyso dhagarta xoogaga xagjirka Al Qacida iyo Daacish, waxa ayna fariinta Zawahiri ay dhabaha u xaareysaa in labada Urur midkood uu la midoobo midka kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com