Akhriso afar qodob oo muhiim ah oo Kheyre uu kula heshiiyay Turkiga

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlayay taageerada ay dowladda Turkiga siiso dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay qodobadii ay ku heshiiyeen xili uu safar ku tegay Gudaha dalkaasi Turkiga.

Kheyre,ayaa sheegay in ay ka mid ahaayeen heshiiska Turkiga uu la galay dowladda Federaalka Soomaaliya.

1: In la sii adkeeyo xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga.

2: in la bilaabo ka wada Shaqeynta kobcinta dhaqaalaha isla markaana la sameeyo laba Golle dhaqaale oo labada dowladood ka wada socda.

3:In ay Gacanweyn ka qaataan amniga dalka isla markaana ay wax kala qabtaan dowladda Soomaaliya.

4: la isku furo labada Wadan si Ardayda Soomaaliyeed ay u helaan fursad ay wax uga soo bartaan dalka Turkiga iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Hadalkaan ayaa Ra’iisul Wasaare kheyre waxa uu ka sheegay Munaasabad lagu xusayay sanad guuradii 94-aad ee ka soo wareegatay xiligii ay xurnimada qaadatay Jaamhuuriyadda Turkiga.