Xildhibaannada da’da yar ee BF oo la sheegay in lagu adeegto (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo ka hadlayay kulankii Baarlamaanka ee shalay ayaa eedo badan u jeediyay mas’uuliyiinta Guddoonka Baarlamaanka ee hadda jira.

Xildhibaan Dhalxa ayaa sheegay in Baarlamaanka hadda jira ay ku jiraan dhallinyaro badan oo ku cusub siyaasadda hayeeshee ay la kulmeen dad aan waxba ku kordhineyn islamarkaana iyaga kala qeybsan.

Waxaa uu sheegay in Guddiyayada Baarlamaanka Hadda jira ay dad soo diyaarsadeen islamarkaana ay yihiin qeybo qeybo kala duwan oo qoleba si gaar ah u shaqeysa.

Xildhibaan Dhalxa ayaa sheegay in Xildhibaannada qaar u sameysanyihiin mucaaridka Xukuumadda, kuwo difaacayaan, kuwana anayba la socon.

Safarka Guddoomiyaha Jawaari ee dalalka Masar iyo Suudaan ayuu ku sheegay in uu yahay mid aan xisaab lahayn waxaana uu ku eedeeyay in tiro badan oo Xildhibaanno ah ay raaceen.

Waxaa uu soo qaatay go’aan hadda ka hor Guddoomiye Jawaari ka jeediyay fadhiga Baarlamaanka ee ahaa in aanay XIldhibaannada iska bixi karin ogaal la’aan haddana iyada oo bixitaankiisii Masar la isweydiinayo mid kale ugu dhoofay Dalka Suudaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com