25.1 C
Mogadishu
Friday, July 11, 2025

Sawirro: Maxada DF iyo maamullada oo isku arkay safaarada Turkey

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre,Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Xukuumadda, inta badan Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Dalka, xubno ka tirsan Guddoonka Baarlamaanka Federaalka, xildhibaanno iyo marti sharaf ayaa ka qeybgalay xuska sanad guurrada 94aad ee Jamhuuriyadda Turkiga.

Munaasabadan oo si weyn loosoo qabanqaabiyey ayaa waxaa lagu qabtay xarunta Safaaradda Dowladda Turkiga ay ku leedahay magaalada Muqdisho waxaana lagu soo bandhigay Taariikhda dalka Turkiga iyo sida Jamhuuriyadda Turkiga ay u aas aasantay.

Danjire Olgan Beker Safiirka Dowlada Turkiga u fadhiya magaalada Muqdisho oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda waxa uu uga mahad celiyey madaxda dowladda iyo marti sharafkii kala duwanaa ee ka qeybgalay Munaasabadda kasoo qeybgalkooda.

Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda waxa uu Hambalyo u diray shacabka iyo dowladda Turkiga oo uu ugu hambalyeeyey 94 guurrada Jamhuuriyadda Turkiga waxaana uu dhinaca kale Ra’isulwasaaraha faah faahiyey maanta halka uu marayo xiriirka wanaagsan ee u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

- Advertisement -

Read more

Local News