Xog: Daacish oo diiwaan galin ka wadda Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya dhanka buuraaleyda Galgala ee Puntland ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Daacishta-Somalia ay halkaa kawadaan diiwaan gashiga dhalinyaro cusub.

Wararku waxa ay sheegayaan in diiwaan galinta xooligeeda ay ka socto deegaano dhowr ah oo qaarkood ku yaalla gudaha magaalada, halka qaarna ay yihiin kuwo ku yaala Gobolada.

Diiwaan galinta ayaa waxaa wada dhalinyaro caaboon oo la sheegay inay yihiin kuwo aad u da’ yar oo aan lagu ogeyn howlahaasi kuwaa oo u badan dhalinyarada degan Qardha iyo Boosaaso, sida laga soo xigtay saraakiil dhanka amaanka ah.

Dhalinyarada ay maleeshiyada diiwaan galineyso ayaa la xaqiijiyay in qorshuhu yahay in laga howlgaliyo deegaanada ay iminka kasoo jeedan, waxaana xusid mudan in weeraradii ugu danbeeyay ee ka dhaca Puntland ay sheeganayeen Daacish.

Daacishta iminka ka howlgasha deegaanada Puntland ayaa tirro ahaan lagu sheegay ilaa 450 oo 150 kamid ah ay ku diiwaan galiyeen muddo ka yar sanad, sida aan xogta ku helnay.

Tirada guud oo ay qorsheyneyso Daacish ayaa aha ilaa 2,000, sida uu xaqiijiyay Xaafid marwi oo ah khabiir ku xeeldheer arrimaha la dagaalanka xagjiriinta.

Si kastaba ha ahaatee, xusul duubka Daacishta Somalia ee ka howlgasha Puntland ayaa muujineysa inaanu wali qafiifin halista ay leedahay argagixisada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com