Wasiir ka tirsan DF oo hortagaya BF (Maxaa lagu haystaa?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ay maanta kulan ku yeeshaan Xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ahmiyad gaara u leh baarlamaanka ayaa khuseeya akhrinta Koowaad ee Hindise Sharciyeedka Batroolka oo ay soo diyaarisay Wasaarada Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumada Somalia.

Waxaa shir guddoomin doona kulanka Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Somalia C/wali Ibraahim Muudey.

Guddoonka baarlamaanka ayaa habeenimadii xalay fariimo wargalin ah u kala diray Xildhibaanada waxa ayna ku wargaliyeen ajandaha kulanka maanta.

Waxaa Xildhibaanada hortagi doona oo hindise sharciyeedka batroolka ka hor aqrin doona Wasiirka Wasaarada Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumada Somaliya.

Wasiirka ayaa Xildhibaanada sharaxaad kasiin doona ahmiyada sharcigan iyo sida ay Wasaaradiisa u soo diyaarisay.

Sidoo kale, akhrinta ka dib ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxa ay talooyinkooda ku dari doonaan sharcigaan iyo sida ay u arkaan.

Geesta kale, ciidamo aad u farabadan ayaa lagu daadiyay dhammaan waddooyinka gala Xarunta baarlamaanka Somalia kuwaa oo aad u adkeynaaya amniga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com