Tirada dhaawacyada ku jira Isbitaalada kaddib weerarkii Nasa-hablood

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa khasaaraha ka dhashay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday Hoteel Naasa-Hablood Two ee magaalada Muqdisho.

Mid kamid ah Saraakiisha gurmadka oo faahfaahin dheeraad ah ka bixinaaya khasaaraha ayaa sheegay in dhimashadu ay aheyd 26, halka guud ahaan dhaawacyada isbitaalada la geeyay ay ahaayen 30 oo ay ku jireen mas’uuliyiin.

Dad dhaawacyada qaba ee la jiifiyay isbitaallada magaalada Muqdisho, Isbitaalka Madiina keliya waxaa la gaarsiiyay ilaa 15 ,sida uu xaqiijiyay Dr. Cabdulqaadir Cabdiraxmaan Agaasimaha gadiidka gurmadka Amin Ambulance.

Waxaa jira 11 qof oo la gaarsiiyay isbitaalka Daaru-shifa ee Muqdisho, iyadoo dhaqaatiirta Isbitaalka ay xaqiijiyeen in lix ka mid laga saaray isbitaalka kadib markii xaaladooda ay soo roonaatay halka 5 ka mid ah ay jiifaan.

Agaasimaha isbitaalka Madiina, Dr. Maxamed Yuusf, oo ka sheekeynaayay xaaladda dadka dhaawacyada ah ee jiifa Isbitaalka Madiina ayaa sheegay inay yihiin kuwo dhex dhexaad ah, waxa uuna rajo ka muujiyay inay ka bixi doonaan iyagoo badqaba.

Dadka dhintay ayaa guud ahaan markii la sifeeyo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin, Shaqaale dowladeed, Ciidamo iyo dad shacab ah oo xiligaa ku guda jiray nolol maalmeedkooda.

Geesta kale, waxaa jira tirro badan oo dhimasho iyo dhaawac ah, balse waxaa muuqaneysa in dowlada Somalia ay aad uga gaabineyso soo bandhigida xaqiiqda jirta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com