Xildhibaano kusoo baxay cabasho ka taagan guryaha banki-yada ee Wadajir

Muqdisho (Caasimadda Online) – Kulan ay isugu yimaadeen Saraakiisha, Shaqaalaha Bankiga iyo Dhaxaltooyadooda oo ay uga hadlaayeen Guryaha ay kaga Milkiyeen sida sharciyeed Bankiga Dhexe ee ku yaala Degmada Wadajir; ayaa looga hadlay xaallada guryahaas kaddiib markii Masuuliyiin ka tirsan Bangika Dhexe ay sheegeen in ay guryahaas yihiin guryo ay Dowlada leedahay iyadoo la ogyahay in guryahaas ay lacagta hawlgabkooda ku gateen Saraakiisha iyo Shaqaalaha Bankiga Dhexe.

Kulankaan oo ay ka soo qayb galeen Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, Saraakiishii hore ee Bankiga Dhexe iyo Dhaxaltooyadooda ee iska leh Guryahaas iyo  Bulshada ku Nool Degaankaas ayey Dhamaantood isla qireen in Guryahaas ay si Sharci ah ku Kasbadeen ama ku Milkiyeen ee ay hantidooda ku gateen Shaqaalahii Bankiga Dhexe.

Ugu horeyn waxaa kulankaas ka hadley Xasan Cilmi Barkhadle oo ahaa Khasnajigii Bankiga Dhexe ee Dawladii Barisamaadkii, ayaa shaagey  in aysan marnaba yeeli doonin in si Xaqdaro ah looga qaado Guryahas  waxaa uu intaas ku darey “Dadka haatan Guryaan deggan waxay isugu jiraan kuwa Aabayaashoodii dhintey oo agoon ah, kuwo Sariir saaran  oo Cad ah iyo kuwa Duqoobey  sidaa  darteed Qofkii Wanaag naloola yimaada waan soo dhaweyneynaa kii Xumaan naloola yimaadna waan la dagaalameynaa waxana leeyahay Guryahaan Dowlad ma leh ee waxaa leh Shaqaalahii Bankiga Dhexe oo si sharci ah kula wareegey”.

Avv Tahliil oo ka mid ah Qareenada u doodaya Dadkaas oo ka hadlay kulankaas ayaa sheegay in Millkiilayaasha Gurayahaas tiro dhowr jeer ah la isku dayey in xoog lagu maquuniyo hase yeeshee waxaa uu sheeegey markii dambe dacwad Idaari ah u geyeen Maxkamada Sare, oo aan ku dureynay go’aan ka soo baxay Guddomiyaha Bankiga Dhexe ee aan ku gudbooneyn Saraakishii iyo Shaqaalahii u soo halgamay habsamida Bankiga Dhexe, halkaasna ay Maxkamadda Sare ku baabi’isay go’aankaas islamarkaasna caddeysey in guryayaas aan laga saari Karin Shaqaalaha deggan ee hawlgabka ku noqday u shaqeynta Bankiga Dhexe ee Soomaaliyeed, waxuu kaloo intaa ku daray

“Maamulka Bankiga Dhexe uu horay u go’aansaday in guryaha lagu dhiso lacagta dhigaalka shaqaalaha “PENSION FUND” ka dibna wuxuu shaqaalihiisa kula heshiiyay inay deyn ahaan ku qaataan guryaha, iyadoo heshiiska lagu saleeyey habka loo yaqaanno “Kireyso oo Yeelo” (RENT TO OWN SYSTEM)” sidaas darteedna ay Maxkamadda Sare sheegtey in ciddi guryaahaas ku sheeganeysa Milkiyad ay ka dacwoon karto Maxkamadaha iIhtisaaska u leh Dacwadaha Milkiyadda.

Waxaa kaloo kulankaas ka hadlay Avv Cabdikariim oo ka mid ah Qareenada u doodaya Dadkaas waxaa uu sheegey in ujeeddada qabashada kulankaan ay tahay iney uga diggaan ganacsatada guud ahaan oo ay ku jiraan kuwa ajnabiga ah inaaney ku kadsoomin Gadashada guryahaas, maxaa yeelay waa guryo ay yeesheen ama ay ku Milkiyeen Saraakiisha iyo Shaqaalaha Bankiga kaddib markii dhulkaas lagu bixiyay siismadiisa lacagtoodii hawgabka ahayd intii ka soo hartayna lagu dhisay Haaftadii ay Mushaarkooda si Tartartiib looga Jari jirey. Wuxuu intaas raaciyay “Sideedaba sharciga lagu dhisay Bankiga Dhexe ka mamnuucaayo inuu sameeyo ganacsi si waafaqsan Qodobka 56aad ee Sharci lambar 130 ee 22 Abriil 2012.

Xildhibaanad Maryan Axmed Haaruun oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka gaar ahaan Gudiga Xaquuqul insaanka Baarlamaanka  oo ka hadashey Kulankaas ayaa waxay tiri “Halkaan waxaan u nimid Dhibaato Dhowr jeer soo noqnoqotey oo ay qabaan dadka halkaan deggan ee leh Guryahaan, markaan arkey Hooyo Shagaanshan jir ah oo oyneysa, Markaan arkey Dadka halkaan deggan in loo diidey Addeegyadii Nolol Maalmeedkoodii sidaa darteed waxaan u sheegayaa dadka Dhibaya dadkaan in ay ka joogaan waayo waxaan nahay Xildhibaanadoodii oo u taagan in ay Difaacaan.

Xildhibaan Cabdulaahi Shaacir oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka kana tirsan Guddiga Garsoorka Baarlamaanka oo ka hadley Kulankaas ayaa waxaa uu sheegey in ay halkaan ay u yimaadeen in ay Difaacaan Shacabkooda la doonayo in la dulmiyo waxaa uu intaa sii raaciyey “Dowladda waxaan u sheegeyaa in dadkaan aysan ahayn Mareykan iyo isbaanish waa dad Soomaaliyeed oo la doonayo in ay dhacaan Shisheeye iyo Soomaali ah, sidaas darteed waxaan u soo jeedinayaa madaxda  sare in ay arrintaan deg deg wax uga qabtaan.

Xildhibaan  Sakeriye  Xaaji Maxamuud Cabdi oo ka mid ahaa Xildhibaanada ka Hadley Kulankaas ayaa waxaa uu yiri “ Waxaa naloo soo doortey in aan ka damqano Dhibaatada Shacabkeena marka waxaan Dowladda leeyahay ha fiiriso hana u guurgasho in caruurta  ku nool deggaankaan qaarkood ay yihiin  Agoon, Haween iyo Odoyaal da’ ah ee la doonayo in Xaqooda la duudsiiyo “ waxaa uu intaa sii raaciyey

“Waxaan diin balan qaadayaa in aan cabashadiina Gaarsiiyo Baarlamaanka iyo Madaxda sare ee Dowladda oo aan u xaqiijino in Guryaha Banikiga ee  ku yaala Xaafada wadajir ay leeyhiin Shaqaalhi Bankiga waana wax lala yaabo in Maamulka hada Gacanta ku haya Bankiga ay iska indha tiraan Heshiisyadii lagu dhisay Guryaha Shaqaalaha ee Banikiga”

Ugu Dambeyntii waxaa Madaxda Sare ee dowlada loo jeediyey in ay arrintaan wax ka qabtaan maadaama Guryahaas ay leeyhiin Shaqaalahii Bankiga ayna yaalaan Heshiisyadii lagula  wareegey Guryahaas sidoo kale waxaa looga  digay in hantileyda damacsan Guryahaas iney iibsadaan aysan ku hungoobin maxaa yeelay waa hanti maguurto ah oo ay Dacwad ka Taagan  tahay.