Sawirro: Beelaha Hawiye oo warmurtiyeed xasaasi ah soo saaray (Aqriso)

Odayaasha dhaqanka, Xildhibaanada labada gole ee barlamaanka Federaalka, Siyaasiyiin, Aqoonyahan, Ganacsato, Haween, iyo Dhalinyaro ka tirsan Beesha Hawiye ayaa maanta kulan Xasaasi ku yeeshay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Hotel Sahafi, waxayna shirkaas kasoo saareen Qodobo xasaasi ah oo ku saabsan xaaladda dalka marayo iyo Siyaasadda Dowladda Soomaaliya.

Caasimadda Online ayaa heshay nuqul kamid ah war murtiyeedkaas, wuxuuna u qorna Sidaan

SHIRWEYNAHA BEELWEYNTA HAWIYE

WAR MARTIYEED

Waxaa maanta 29/10/2017 magaalada Muqdisho, Shir Watashi isugu yimid Odayaasha dhaqanka, Xildhibaanada labada gole ee barlamaanka Federaalka, Siyaasiyiin, Aqoonyahan, Ganacsato, Haween, iyo Dhalinyaro ka tirsan Beesha Hawiye.

Waxaa shirka lagu lafa guray xaalada dalka uu marayo dhinacyada: siyaasadda, aminga, federaalaynta iyo dib u heshiisiinta. Shirku wuxuu dhagaystay natiijada kulamo ay xildhibaanada labada gole, siyaasiyiinta iyo odayaasha dhaqanka la qaateen Madaxweynaha, Raysalwasaaraha iyo Gudoonka labada Gole ee Baarlamaanka, ayadoo shirku hoosta ka xariiqay in xaalka dalku uu ku marayo meel adag oo aan ka aamus lahayn, waxaana dood dheer ka dib la isku afgartay qodobada soo socda:

1- Beeshu waxay canbaaraynaysaa weerarkii shalay lagu qaaday Hotel Naasahablood 2 iyo Xasuuqii 14 Olctoobar 2017 Zoobe ka dhacay, Waxayna ku baaqaysaa in meel looga soo wads jeesto dagaalka kooxaha xasilooni-darrada dalka ka wada. Waxay kaloo dalbaynaysaa in logo dhabeeyo halkudhigii dowladda ee ahaa hufnaan & Isla-  xisaabtan, sidaa daradeedna to helaa ciddii gabtay masuuliyadii loo xil saaray, lagulana xisaabtamaa.

2- Beeshu waxey ka mahadcelinaysaa gurmadkii loo fidiyey dadkii ku waxyeeloobay qaraxii isgoyska Zoobe, ayadoo dhanka kale ugu baaqaysa cidda dawladda ugu xilsaaran dhaqaalaha lagu soo aruuriyay magaca dadkii dhibku gassy in si daahfuran loo maamulo, lane hubiyo in qoysaskii dhibbanayaasha si sax ah loo gaarsiiyey wixii taakulayn ah ee loogu talagalay.

3-Beeshu waxay adkaysnaysaa rnidnimada, madaxbanaanida iyo wadajirka Soomaaliya. Waxayna garawsan tahay in wadada keli ah ee taas lagu gaari karaa ay tahay: is-oggolaansho, isku-tanaasul iyo ixtiraam, is-qadarin iyo is-aqoonsi walaaltinimo ku dhisan.

4- Beeshu waxay u aragtaa in hob-dhaqanka hogaanka sare ee dowlada uusan garawsanayn dhibka iyo dhabar adayga logo soo maray geedi¬socodka dhisrnaha Nabadda iyo Dawladnirnada Soomaaliya. Hogaanka toots Dalka waxaa looga fadhiyaa in uu la yimaado qorshayaal hormarineed oo la xiriira dhinacyada Siyaasada, dhaqaalaha, wax ka qabashada amniga, dhismaha rnu’assasaatkii dawladda saldhigga u noqon lahaa, sii xoojinta nidaamka federaalaynta dalka iyo taakulaynta rnaamulada dhisan.

5- Beeshu waxay canbaaraynaysaa faragelinta qaawan ee ay dawladda federaalkaa ku hayso Dawlad Goboleedyada xubnaha ka ah dawlada federaalka, par ahaan Galmudug iyo Koonfur Galbeed. Falkaasi wuxuu horseedayaa xasilooni-darri siyaasadeed, wuxuuna abuuri karaa xiisad siyaasadeed oo Dalka dib ugu celisa dagaal sokeeye & tafaraaruqii laga soo bogsanayay.

6- Beeshu waxay soo dhowaynaysaa dhismaha Golaha lskaashiga Dawlad Goboleedyada. Waxayna ugu baaqaysaa Dawlada Federaalka in ay wadahadal wax ku ool ah Is yeelato hogaamiyayaasha Golahaas, si loo gaaro xal waara, loona dejiyo xiisadda siyaasadeed ee dalka ka taagan. Waxay kaloo ku baaqaysaa in Gobolka Banaadir loo sarneeyo Dawlad Goboleed.

7- Beeshu waxay xusuusinaysaa hogaanka sass ee dawlada in sass oil ka saran yahay ilaalinta wadajirka iyo midnimada dalka. Waxayna ugu baaqaysaa in ay mudnaanta koowaad siiyaan dejinta xiisadaha siyaasadeed, una hawlgalaan abuurista Jawi wada shaqayn si loo helo xasilooni siyaasadeed oo suurtagalisa in arrimaha badan ee wax ka qabashada u baahan loo soo jeesto.

8- Beeshu waxay waalac xooggan ka muujinaysaa ismarin waaga siyaasadeed ee dalka ka tagaan, waxayna u aragtaa in hadii lags faalidaysan waayo fursadaha wadahadal Be haatan tagaan Ia isugu yimid shir looga tashanayo aayaha dalka si looga baaqsado deganaasho la’aan fursad siisa kooxaha xagjirka ah.

9- Beeshu waxey ka digaysaa in dhaqaalaha kooban ee dalka soo gala loo adeegsado musuqrnaasuq & burburinta maamulada dalka ka dhisan, taas bedelkeedana waxey ku baaqaysaa in Ia dhiso guddi qaran ee la dagaalanka musuqrnaasuqa, ayadoo xubnihiisa si daahfurnaan iyo hufnaan ku jirto lags soo xulaayo.

10- Ugu danbayn, waxay beeshu u mahadcelinaysaa beesha caalamka iyo ciidamada nabad ilaalinta AMISOM so Soomaaliya soo garab taagnaa, welina garab taagan sidii ay u kaalmayn lahaayeen dalka, ayadoo ku baaqaya in lags faa’idaysto u heelanaanshaha beesha caalamka & dawlada saaxiibka Soomaaliya la ah kaalmada Soomaaliya iyo taageerada ay diyaarka la yihiin.

Wabillaahi Tawfiiq