Axmed Madobe oo soo bandhigay 2 qodob oo lagu xalin karo xiisada DF iyo maamullada

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ka hadlay shirka la filaayo in maanta oo Axad ah ka furmo magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in shirka uu yahay mid u dhexeeya dowlada Dhexe iyo maamul Goboleedyada waxa uuna meesha ka saaray in labada dhinac uu ka dhexeeyo Khilaaf balse ujeedka uu yahay in la saxo keliya waxyaabaha khaldan.

Axmed Madoobe waxa uu tilmaamay in dowlada Federaalka ay adeegsaneyso ad adeeg, balse aan lagu jirin xili la muujiyo ad adeeg hadda jira.
Waxa uu carab dhabay in khilaafka ugu badan uu yahay mid ka dhashay laba arrin oo kala ah:

1-Qabyada dastuurka oo mugdi galinaaya kala sareynta dowlada Dhexe iyo maamul Goboleedyada.

2-Dowlada Federaalka oo ka gaabisa la tashiga Hogaamiyayaasha maamulada, waxa uuna ku baaqay in labadan qodob ay caqabad ku yihiin heshiisyo dhexmara labada dhinac.

Waxa uu Axmed Madoobe rajo ka muujiyay in dowlada Dhexe iyo maamul Goboleedyada ka jira dalka ay isku soo dhawaan doonaan maadaama buu yiri Ra’isul wasaare Kheyre magaalada Jowhar kaga dhawaaqay inay la imaan doonaan isbedel.

Geesta kale, dowlada Federaalka ayaa tuhunsan in Hogaamiye Axmed Madoobe u janjeero dhanka dowladaha kasoo horjeeda Qadar ee loo yaqaan xulafada Sacuudiga.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com