Xog qiiro leh: Ciidanka DF oo mushaar u qaato 10% marka loo eego shaqaalaha rayidka

Muqdisho (Caasimada Online) – Marka aad eegto xaaladda Soomaaliya ku jirto, kadibna ogaato hanaanka mushaharka shaqaalaha rayidka iyo ciidamada loo dejiyey, waxaa kusoo baxaya muuqaal aad ka carrooto. Marka Shaqaalaha Rayidku u Qaataan Mushaar ahaan 400—700, Askarigu Wuxuu Qaataa 100—150.

Marka Shaqaalaha Rayidku Helaan Mushaarka Sanadkii oo Dhan 70%—80%, Askarigu Wuxuu Helaa 10%—20%.

Markasta Askarigu Wuxuu Mushaarka Helaa ama Waayaa Waqtii Dheer Kadib Markii uu Helo Shaqaalaha Rayidka.

Marka Shaqaalaha Rayidku Haystaan Ammaan Shaqo (Job Security), Askariga Soomaaliyeed Ma Haysto.

Marka Shaqaalaha Rayidku Shaqeeyaan 8 Saacadood, Askarigu Wuxuu Shaqeeyaa 24 Saacadood.

Marka Shaqaalaha Rayidku Meel Haboon (Qabow ah) Ku Shaqeeyaan, Askarigu Wuxuu Maantoo Dhan Taagan Yahay Waddo iyo Meel Banaan oo ay Qoraxdu aad u Kulushahay.

Marka Shaqaalaha Rayidku Ku Waxyeeloobo Weerar Ka Dhan ah (Qarax) Dowladdu Wey u Gurmataa, Askariguna Wuxuu Maciinsadaa Caawinta Reerkiisa oo Kaliya.

Marka Shaqaalaha Rayidku Qurux Badan Yihiin (Labis ahaan), Askariga Soomaaliyeed Wuxuu Wataa Labis Markii Horaba Ka Weynaa, Haddana Dhamaad ah oo Ku Dhusuqoobay.

Marka Masuulka Soomaaliyeed (Wasiir, Xildhibaan, Taliye Ciidan iwm) Sida Ugu Sareysa u Labisan Yahay, Askarta Dowladda ee Ilaalisa Waxay u Labisan Sida Joqorayda oo Kale.

Askariga Soomaaliyeed, Marka aad Ku Kulantaan Goobaha ay Shaqada Ammaan Ka Hayaan, Waxaad Fahmeysaa Inuusan Maskixiyan Fiyoobeyn ama Isku Filneyn (Qaan-Gaar ahayn).

Waa Su’aalee, Sideen Marka Uga Sugnaa Inuu Ammaankeena Sugo ama Damaanad-Qaado Askariga Sidaasiya ee Xaaladahaas iyo Ka Badan Ku Jira?

Sidee Madaxdeenu Ugu Dhici Karaan Iney Noo Sheegaan Iney Ammaankeena Sugayaan, Iyada oo aan Ognahay Duruufahaas?

Goormee, Tallow, Soo Idlaanayaa Film-ka aan Isu Jileyno, ee Iyada oo ay Indhahayno Shanta Yihiin Been Isu Sheegeyno een Haddana Isu Jiibineyno?

Dad La Siray Waaba Loo Qaateenee, See La Yeelayaa Dad Isa Siraya, ama In La Siro Ku Qanacsan? Maalin Kasta Manoo Shalaay.

WD:- Cabdikaafi Xasan Maxamed