Muqdisho (Caasimada Online)-War-murtiyeed kasoo baxay Maamulka Ahlusun ee Gobolada Dhexe, ayaa waxaa looga hadlay fashilka wadahadalka Galmudug iyo Ahlusuna ee ka socday magaalada Muqdisho.
War-murtiyeedka Ahlusunna ayaa ka koobnaa ilaa Lix qodob oo ku xeeran sababada uu u fashilmay wadahadalka.
War-murtiyeedka ayaa waxaa ku saxiixnaa Hogaamiyaha maamulka Ahlusunna ee Gobolada Dhexe dalka Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, waxaana lagu sheegay war-murtiyeedka in Ahlusuna aysan wali dayicin wadahadalka isla markaana ay diyaar u tahay inay sii wado.
War-murtiyeedka waxaa kaloo lagu sheegay in Ahlusuna ay weli diyaar u tahay in la wada dhisto Dowlad Goboleed loo wada dhan yahay oo ku dhisan hab lagu wada heshiiyay.
Waxaa sidoo kale war-murtiyeedka lagu sheegay in Ahlusuna uusan waxba ka khuseyn wixii kasoo baxa shirka Doorashada la xiriira ee ka socda Magaalada Cadaado.
War-murtiyeedka ayaa waxaa sidoo kale lagu xusay in Beesha Caalamka ay Ahlusuna ka caawiso Dagaalka ay kula jirto Argagixisada iyo wax ka qabashada Abaaraha.
Muxudin Cali Jimcaale ”Jakuula” oo ah Agaasimaha War-faafinta Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna, ayaa sheegay inay muhiim tahay in Beesha Caalamka ay qeyb ka noqoto dadaalada xalka loogu raadinaayo maamulada Ahlusunna iyo Galmudug.
Dhinaca kale, Jakuula ayaa sheegay in loo baahan yahay in wax waliba ay noqdaan talaabo lagu saleeyo xaqiiqda waxa uuna arrin laga fiican yahay ku sheegay in Ahlusunna dusha laga saaro fashilka wadahadalka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

