Sawirro: Maxaa shirkii maamulka Banaadir iyo Gudoomiyayaasha degmooyinka loogu beddelay habeen?

Muqdisho (Caasimadda Online)- Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ayaa shirkii toddobaadlaha ahaa ee maamulka Gobolka Banaadir u bedelay inuu qabsoomo habeenkii.Shirkan ayaa xalay ka dhacay xarunta maamulka Gobolka Banaadir ayuu sheegay guddoomiye Taabit Cabdi Maxamed in loo hadlay arrimo kala duwan, waxaana goobjoog ahaa guddoomiye ku xigeenada gobolka iyo Guddoomiyeyaasha degmooyinka.

Shirka ayaa looga hadlay xoojinta amniga ka hortaga musuq-maasuqa, la xisaabtan maamulada Degmooyinka, Nadaafada, gar gaarka dadka ay Abaaruhu saameeyen ee kusoo Barakacay Magaalada Muqdisho.

Waxaa shirka ka qeyb galay Guddoomiye kuxigeenada cusub ee Gobolka Banaadir iyo Xoghayaha Guud. Shirka ayaa lagu soo bandhigay warbixino la xiriira xaalada gobolka iyo qorshayaasha uu hiigsanayo Maamulka.

“Waxaan caawa shir-guddoomiyay kullankii 2aad ee Guddoomiyayaasha Degmooyinka. Waxaan ka hadalnay nabadgelyada, nadaafadda & Anshaxa…” ayuu yiir Guddoomiye Taabit oo shir guddoomiyay shirkii labaa ee toddobaadle ah iyo shirkii koowaad oo ay ka qeybgalaan guddoomiye ku xigeenada iyo xoghayaha cusub.

Ilaa hadda lama ogo sababta rasmiga ah ee ka dambeyso in shirka loo badalo habeen, waxaana arrintaas soo kordhiyey guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com