Madaxda Puntland oo isku khilaaftay Urur diimeedka Al- Saadicuuna Bil Xaq (Sababta)

Garoowe (Caasimada Online)-Hogaamiye ku-xigeenka maamulka Puntland C/xakiim Xaaji Camey, ayaa si kulul uga hadlay kulan gudaha asbuucaani dhexmaray Guddoomiyaha Gobolka Nuugaal iyo xubno ka tirsan urur diimeedka lagu magacaabo Al- Saadicuuna Bil Xaq.

Hogaamiye ku-xigeenka oo saxaafada kula hadlay magaalada Garoowe, ayaa sheegay inaanu waxba ka jirin kulanka Guddoomiyaha gobolka Nuugaal iyo xubnaha Al- Saadicuuna Bil Xaq.

Hogaamiye ku-xigeenka ayaa sheegay in ururka Al-Saadicuuna Bil Xaq uu xaaraan ka yahay sida uu hadalka u dhigay deegaannada dowlad gobolleedka Puntland.

Cameey waxa uu cadeeyay in Guddoomiyaha Gobolka Nugaal uu aad ugu qaldan yahay in Kooxdaasi uu la meeldhigo culimada kale ee dalka, isla markaana sheego inay yihiin kuwo aan waxba ka bi’in diinta.

Camey, ayaa sheegay in xukuumadu ay weli ku taagan tahay go’aankii lagu mamnuucay Kooxdaasi, isla markaana ay talaabo ka qaadi doonaan cid waliba oo ka tirsan maamulka ee soo dhaweysa.

Cameye ayaa yiri ”Waxaa moodaa shaki iyo muhmal waxaa galiyay guddoomiyaha gobolka nugaal iyo jenenka, oo ka hadlay arrintaa iyada ah, taasi waxay keentay fasiraad khaldan oo saxaafadda bulshadda ay arrintaas aad uga hadlo, xataa ay shaki galisay dowladihii xubnaha ka ahaa dowladda federaalka iyo dowladda federaalka laftigeeda oo leeyihiin Puntland bahasha mangaga baxday, waa maxay waanwaatani”

Wuxuu sheegay in mowqifka Puntland uu yahay in ay toosh ku ifiso kooxdaasi, degaamadda Puntland uu xaaran ka yahay, dowladuna ay waajibkeeda gudan doonto.

Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Faraweyne oo dhawaan kulan la yeeshay xubnaha ururka ayaa sheegay in ay is afgarad gaareen dhamaanba tuhunnadii la qabay, sidaa daraadeed wixii hadda ka danbeeya ururka iyo xubnaha ay ka mid yihiin culimada Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaannada Puntland.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in hogaamiyayaasha ururka iyo maamulka gobolka Nugaal isku afgarteen dhamaanba qodobadii ay ka wada hadleen, taasoo meesha ka saareysa ayuu yiri shakigii markii hore la qabay.

Go’aanada is khilaafsan ee kasoo kala baxay Hogaamiye ku-xigeenka maamulka iyo Guddoomiyaha Gobolka Nugaal ayaa muujinaaya in Madaxda Puntland ay ku kala aragti duwan tahay la dhaqanka urur diimeedka Al- Saadicuuna Bil Xaq.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com