La Yaab: Haweeney Uganda u dhalatay oo dhashay 38 cunug iyadoo 37 jir ah iyo sida ay ku dhacday

Kampala (Caasimadda Online) – Hooyada lagu magacaabo Mariam Nabatanzi ayaa dhammaan ilmaha ay dhashay ku umushay gurigeeda dhexdiisa marka laga reebo cunugii ugu dambeeyey oo ay ku dhashay isbitaal kaasoo hadda ah 4 bil jir.

Hooyadaan ayaa dhashay ilaa 38 cunug iyadoo 37 jir ah taasoo la yaab ku noqotay dad badan oo adduunka ku nool, waxayna kasoo jeedaa dalka Uganda oo dhaca Africa.

Wararka laga helayo haweeneydaan ayaa sheegayo inay dhashay 6 jeer oo min laba mataano ah, 4 jeer oo min seddex mataano ah iyo 3 jeer oo min afar mataano ah.

10 ka mid ah ilmaha ay dhashay ayaa ah gabdho halka 28-ka kalana ay yihiin wiilaal, curadkeeda ayaa 23 jir ah halka midka ugu yar uu yahay 4 bil jir.

Haweeneydaan dhashay 38 cunug ayaa  sheegtay inay guursatay iyadoo 12 jir ah sanadkii 1993 markaas oo ay la aqal gashay nin jiray 40 sano.

“ ma garaneyn inaan ahay qof la guursanayey xilligii aan aqal galayey, maadaama aanan si fiican wax u kala aqoon”  Hooyadaan ayaa saxaafadda  u sheegtay

Sanadkii 1994, hal sano kadib guurkeeda iyadoo 13 jir ah ayey dhashay laba cunug oo mataano ah waxayna aheyd markii ugu horeysay oo ay ilmo dhasho, inkastoo ninkeeda ay islaan hore wax usoo dhashay.

Laba sano kadib, waxay dhashay 3 Mataano ah, sidoo kalana waxay hal sano iyo 7 bil kadib dhashay afar mataano ah.

Hooyadaan ayaa wax lagu farxo ku tilmaamtay inay aragto ilmaheeda oo aadayo iskuul iyo Jaamacado, waxay aad ugu dadaashay inay ilmaheeda wax bartaan, waxaana xusid mudan in labadii mataano ee ugu horeysay oo ay dhashay ay hadda shahaado Jaamacadeed ka heystaan (Nursing) inkastoo aysan weli helin wax shaqo ah.

Halka laba kale oo ilmaheeda ka mid ah ayaa dhigta fasalka lixaad ee dugsiga sare, halka seddex kale ay dhigtaan safasalka shanaad ee dugsiga sare, afar kale ayaa dhigtay fasalka 7-aad ee dugsiga dhexe, halka inta soo hartayna ay dhigtaan fasalada carruurta.

waxaya saxaafadda siisay hadal cajiib badan oo ku saabsan waxbarashada carruurteeda iyadoo tiri: ” Waan ku faraxsanahay inay ilmaheyga aadaan iskuulka, waxay leeyihiin rajooyin kala duwan, qaar waxay rabaan inay noqdaan dhaqaatiir, qaar waxay rabaan inay noqdaan macalimiin, halka qaar kalana ay doonayaan inay noqdaan qareeno, anigana waxaan diyaar u ahay inaan dhammaantood riyadooda u rumeeyo, inkastoo aanan awood dhaqaale oo badan heysan”