Akhriso ajandayaasha horyaal BF SOOMAALIYA

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maanta iyo wixii ka dambeeya uu BF Somalia u fadhiisto kulanka 1-aad ee Fadhiga 6-aad, oo Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ah ee Somalia ku yaalanayaan Golaha Shacabka Muqdisho.

BF ayaa waxaa horyaal ajandayaal dhowr ah, kadib markii 27/04/2015 ay dib uga soo laabteen fasaxii dheera oo ay galeen, iyagoona qaatay kulankii ugu horeeyay oo furitaanka ahaa.

Ajandayaasha horyaal ayaa waxaa kamid ah:

1-Diyaarinta Hindise Sharciyeedka Xakameynta Hubka.

2-Sameynta Sharciga Lagu dhisayo Guddiga Amniga Qaranka,

3-Hindise Sharciyeedka La Dagaalanka Argigixisada

4-Dhageysiga warbixinnada ay Xildhibaanadu kasoo diyaariyeen deegaannada ay metelaan oo Mudaneyaasha Baarlamaanku booqasho ku tageen intii lagu jiray fasaxa Kalfadhiga Golaha Shacabka.

5-Dhageysiga warbixin la xiriirta wax ka bedelka Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka.

Xildhibaanada BF ayaa ka doodi doono ajandayaashaasi, oo ah kuwa ugu waaweyn ee xiligaani horyaala.

Madaxweyne Xasan Sheekh markii uu furayay Todobaadkii tagay Fadhiga Baarlamaanka, ayaa sheegay in marka la eego Mudada u hartay Dowladda, ay soo baxayaan Shakiyo badan oo laga muujinayo inay Doorasho dhacdo isagun Dadkaasi Shakiga qaba uu ku jiro.

Madaxweynuhu waxa uu qudhiisu shaki ba’an ka muujinayaa in dalka uusan ka dhici doonin wax doorasho ah isagoona taasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri “Waxaa la gaaray xiliyadii uu mugdiga soo kala dhex gali jiray Madaxtooyada iyo BF, balse waxaan idiin sheegayaa inaysan Dowlada soo socota ku imaan doonin si lamid ah qaabkii aniga la igu soo doortay 2012, ee ahaa inay Odayaal dhisaan Baarlamaanka, kadibna Xildhibaanada ay Madaxweyne Doortaan”

Xildhibaanada ayaa kasoo laabtay dhawaan Labo Bilood oo Fasax ah, waxaana hadda ay sheegeen in Fadhigan 6-aad uu noqon doono midkii ugu Shaqada badnaa Maadaama Waqtiga u haray Dowladda uu aad u yaryahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com