GAAS oo weeraray qorshaha beesha caalamka !!

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa markii ugu horeeyay si adag u weeraray qorshaha inta badan beesha caalamka u dajiyaan dalka Soomaaliya.

Wuxuu si adag u weeraray qorshaha midowga Yurub ay ka wadaan Soomaaliya ee Hiigsiga cusub “New Deal”, isagoo sheegay in qorshahaasi uu yahay mid ay u fakareen dad aan daneynin Soomaaliya.

“10 sano ka hor waxaan ka mid ahaa gudi waagaas oo lacag u aruurinayay Soomaaliya oo sidaas lagu sheegay aaway waxii kasoo baxay, kanna New Deal waxba kama so baxayaan, nimankaan galada ah wey noo fakarayaan, wax walbaana annaga ayaa isku keenay”.ayuu yiri Gaas.

Cabdi Welli Gaas ayaa soo jeediyay intuu ka hadlayay shirka ka socda magaalada Garoowe talo aheyd in madaxda Soomaalida ay yeeshen hal mowqif oo mideysan.

Wuxuu sidoo kale runta ka sheegay iney jiraan in la kala qeybsaday madaxda Soomaaliya o dhexdooda shaki weyn laga abuuray, sida uu sheegay.

“Nin si gaar ah wax u qaadanayo ma jiro war haddii gaalada ay wax nuugo talo galeen annaga oo wadajir aan dhahno halkaan noo shub meel loo wada jeedo, laakiin annaga dhexdeena ayaa is aamin daro laga dhex abuuray”ayuu yir Gaas.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com