Akhriso: Farriintii ugu horeysay ee C/raxmaan C/shakuur kadib markii Damiin lagu sii daayay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo Xalay xilli dambe xabsiga laga sii daayay ayaa farriintiisii ugu horeysay soo dhigay baraha bulshada.

Farriinka oo afar xaraf ka koobneyd ayuu ku qoray luqada ingiriiska: “Cadaallada ayaa waareysa, Cadaalad darraduna waa fashilneysa. “Justices prevails. Injustices fails.” ayuu soo dhigay bartiisa twiterka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in damiinka lagu sii daayay ay ku jiraan shuruudo ay ka mid yihiin: Inuusan saxaafadda la hadli karin, isticmaali karin baraha bulshada, kana dhoofi karin dalka, laakiin waxaa muuqata inuu ugu yaraan dhowr erey ku cabiray xaaladiisa.

Sii deynta siyaasiga ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen madaxda maamulka Gobolka Banaadir, Hirshabeelle iyo Galmudug.

Ciidanka NISA, ayaa habeenkii Axada weerar qorsheysan ku qaaday hoyga uu C/raxmaan C/shakuur ka degan yahay Magaalada Muqdisho. Weerarkaasi waxaa lagu sheegay inuu ahaa mid sharciga liddi ku ah.

Garyaqaan Tahliil Xaaji oo ka mid ah qareenada difaaceysa C/raxmaan C/shakuur, ayaa sheegay Ciidanka NISA inaanay wadan warqad lagu soo xiri karay Siyaasigaasi.

C/raxmaan C/shakuur oo ay wehliyaan Mas’uuliyiintii iyo xildhibaanadii qeybta ka ahaa wada hadalka lagu sii daayay ayaa la sheegay inay aadeen Guriga Iimaamka Mudullood Imaam Maxamed Yuusuf Cali.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com