Maxkamadeynta CC Shakuur oo maanta dhaceysa & Xeer ilaalinta oo laga sugaayo dhameystirka Cadeymaha

Muqdisho (Caasimada Online)- Waxaa lagu wadaa in Maxkamada Gobolka Banaadir ay maanta oo Khamiis ah mar kale furto kiiska Dacwada Siyaasiga CC Shakuur oo lagu eedeeyay inuu faraha kula jiray dadaal lagu duminaayay Qaranimada Somalia.

Maxkamadda Gobalka Banaadir oo laga sugaayay in kiiskaas ay furto Arbacada ayaa dib u dhigtay iyadoo iclaamisay in kiiska ay qaadi doonto maanta oo Khamiis ah.

Xafiiska Xeer ilaalinta Somalia ayaa lagu wadaa in maanta ay Maxkamada horgeyso cadeymo ku filan kiiska Siyaasi C/raxmaan C/Shakuur Warsame, maadaama eedeyntiisa ay tahay mid culus isla markaana ay dacwadaan dib u dhacday shalay oo Arbaco aheyd.

Maanta oo khamiis ah ayaa lagu madalsan yahay maxkamadda Gobolka Banaadir in Xeer ilaalinta ay horgeyso Cadeymaha eedeynta C/raxmaan C/Shakuur Warsame, waxaa isla manta loo guda gali doonaa dacwada, waa haddii ay Xeer ilaalintu soo dhameystirto cadeymaha la doonaayo.

Sababaha ay Maxkamada shalay dib ugu dhacday ayaa ah in warqadii amarka Maxkamada ee lagu faray in muddo 24 saac lagu keeno caddeymo in loo geeyay Xeer Ilaalinta Shalay 8-dii subaxnimo, sidaas darteed ay muddada waqtiga loo geeyay ay ka bilaabaneyso 24-ka saac, kuna egtahay manta 8-da subaxnimo.

Hadal haynta Bulshada ayaa noqotay Kiiska C/raxmaan C/Shakuur, waxaana si wayn indhaha loogu haayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo maanta oo khamiis ah waxa ka soo bixi doona, maadaama xeer ilaalinta laga sugaayo gudbinta cadeymo dhameystiran.

Dowlada Somalia ayaa Xalay damaanad kusii deysay C/raxmaan C/shakuur Warsame oo habeenkii Axada lagu xiray Xabsi ku yaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, waxaa magaalada Muqdisho saacadihii ugu danbeeyay ka socday kulamo siyaasadeed oo looga arrinsanaayo arrimaha CC Shakuur.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com