Xildhibaanada Ugandha oo la imaaday sharci ka yaabsaday Yoweri Museveni (Akhriso)

Muqdisho (Caasimada Online)-Baarlamaanka dalka Uganda ayaa cod aqlabiyad xoog leh ku ansixiyay sharci meesha ka saaraya xaddidaada da’da musharaxiinta doorashada madaxweynaha.

Laalida xadidaada ayaa waddada u xaareysa in mid ka mid ah madaxweynayaasha Africa ugu muddada dheer uu Uganda sii xakumo ilaa 2031-ka.

Xildhibaanada baarlamaanka Uganda ayaa qodobada dastuurka ka baddalay qof walba oo ka yar da’da 35 sano ama ka weyn 75 aanu u tartami karin doorashada madaxweynaha.

Guddoonka iyo Xildhibaanada baarlamaanka ayaa isla gartay in sharcigan uu dhaqangalayo xiligii uu madaxweyne Yoweri Museveni oo 73 jir ah uu qalinka ku duugo.

Xildhibaano farabadan oo ka tirsan baarlamanaka ayaa ku amaanay xukinkiisa 30 ka sano, waxa ayna sheegeen inuu isbeddel ku sameeyay dhaqaalaha dalka uuna nabad kusoo dabaalay wadankaan uu mar halakeeyay dagaal sokeeye.

Xubnaha baarlamaanka ayaa sidoo kale u codeeyay in la kordhiyo muddada ay mudanayaasha baarlmaanka xilka hayn karaan taasi oo haatan ah 5 sano lagana dhigo ilaa 7 sano.

Docda kale, Tallaabadan ayaana looo arkaa mid lagu dalaalay xubnaha baarlamaanka si ay u meel mariyaan sharcigan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com