Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle ‘’Xaaf’’, ayaa ka hadlay go’aanka lagu sii daayay C/raxmaan C/Shakuur oo u xirnaa dowlada Somalia.
Xaaf oo u waramaayay Idaacada KKN ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in wakhti badan ay ku bixiyeen deysmada C/raxmaan C/Shakuur, waxa uuna cadeeyay in deysmadiisu tahay damaanad.
Xaaf waxa uu sheegay in deysmada C/raxmaan C/Shakuur ay ka qeybqaaten Mas’uuliyiin dhowr ah oo ay wehlinayaan Hogaamiyayaasha qaar ee ka tirsan maamul Goboleedyada dalka.
Hogaamiye Xaaf waxa uu intaa ku daray in C/raxmaan C/Shakuur aan lagu sii adkeyn shuruudaha, waxa uuna meesha ka saaray wararka sheegaya in laga mamnuucay shirarka.
Sidoo kale, Xaaf ayaa sheegay inay u badan tahay in manta oo khamiis ah C/raxmaan C/Shakuur lasoo taago Maxkamada, isagoo cadeeyay in inta badan howlaha hoose ay sii socon doonaan.
Haddalka Xaaf ayaa kusoo beegmaaya xili dowlada Somalia ay ku adkeysaneyso in C/raxmaan C/Shakuur uusan ka safri Karin dalka inta ay kasoo dhamaaneyso dacwadiisa.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com