Guddiga dib u eegista Dastuurka oo kalsoonida kala noqday Wasiir Xoosh & C/Qeybdiid oo qalinka ku duugay (Akhriso)

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddiga dib u eegista iyo La socodka Dastuurka ee labada Aqal ee baarlamaanka Fedaraalka Ayaa kalsoonidii kala noqday wasiirka Dastuurka  Cabdi Xoosh jibriil.

Xubno ka tirsan guddiga joogtada ah ee golaha shacabka ayaa xaqiijiyey in warqadda ay heleen go’aanna ay ka qaadan doonaan.

Qoraal laba bog ka kooban oo uu soo saaray Guddiga la socodka Dib u eegitsa iyo Hirgalinta Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in kalsoonida lagala noqday Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil.

Go’aanka ay soo saaren Guddiga Dib u eegista ayaa ka koobnaa 6 qodob, waxa ayna sheegen kalsooni kala noqoshada Wasiir Xoosh in ay ku war galiyeen Gudoonka Labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Madaxweynaha Somalia.

HOOS KA AKHRISO QODOBADA LOO CUSKADAY WASIIRKA:

1-Wasiirka wuxuu  inkir-sanyaha in dib u eegista Dastuurka loo maro hannaanka Sharci ah oo ku cad qodobada 133 iyo 134 oo ah in labada guddi ay leeyihiin waajibaadka dib u eegista Dastuurka.

2-Waxaa uu ka baxay heshiiskii wadaqaynta MOU oo labada guddi markii horeba ka sameeyeen tanasul badan, si ay howsha u dhaqaaqdo.

3-Wuxuu in badan ku mashquulay in labada guddi ay shaqadoodi gudan, asagoo kala dagaalamay inay helaan Tasiilaadkii ay u baahneyd shaqadu halkii uu gudan lahaa waajibaadkiisii ahaa in howlaha labada guddi fududeeyo .

4-Wuxuu sharci darro ku tilmaamey miisaaniyaddii ay golaha Shacabku ansixiyeen, gaar ahaan madaxa miisaaniyadda ee dib u eegista Dastuurka oo qaraarka uu sheegayo in lawada maamulo taas oo uu sheegtay in wasaaraddiisu ay gooni u leedahay .

5-Wuxuu ku mashaquul sanyahay in dib ee gista Dastuurka uu ka dhigto mashruuc soconaya sanado, asagoo heshiisyo iyo howlo aan baarlamaanka la ogeyn kula jira hay’ado Caalami ah iyo kuwa UNka.

6-Wuxuu aad ugu mashquul sanyahay in Dastuurk laga marin habaabiyo jidka saxda ah, islamarkaana uu rabo in xukuumadda ay sameysato Dastuurka aan loo marin dib u eegista Dastuurka sida sharcigu yahay mid bulshadu ka wada qeyb qaadato.

Sidoo kale Guddiga ayaa waxa ay sheegeen Wasiir Xoosh inuu hortaagan yahay geeddi-socodka Dastuurka, waxayna Baarlamaanka ka dalbadeen inuu ay talaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan Wasiirka.