Dowlada Imaaraadka oo dagaalka DFS u adeegsanaaya Shirkadda DP World + Warbixin

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa sii kordhaaya Isfahan la’aanta ka dhextaagan Dowlada Somalia iyo Shirkadda shisheeye ee DP World oo laga leeyahay dalka isutaga Imaaraadka Carabta.

Mas’uulka ugu sareeya Shirkadda DP world ee laga leeyahay dalka imaaraatka ayaa sheegay in Somaliland ay ka madaxbanaantahay Somalia inteeda kale, kadib markii uu ka carooday haddal maalmo un ka hor kasoo baxay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia.

Mas’uulkaas oo lagu magacaabo Suldaan Axmed Bin Suleymaan oo la hadlay warbaahinta Imaaraatka ayaa sheegay in hadalka kasoo yeeray Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia aanu u joojin doonin shaqooyinkooda ka socda Dekadda Berbera.

Waxa uu Suldaan Axmed Bin Suleymaan sheegay in dowlada Somalia aanu waxba ka quseyn Heshiiska, isla markaana ay tahay Somaliland dowlad madax banaan.

Suldaan Axmed Bin Suleymaan ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in xilka ka saaran mashruucan uu yahay sidii ay u ilaalin lahaayeen iyaga iyo kuwa ay saamiga leeyihiin ee Somaliland iyo dowladda Ethiopia.

Dowladaha kasoo horjeeda talaabooyinka Shirkadda DP World, ayaa qaba in falka uu ku kacay Agaasimaha Shirkada uu muujinaayo in dowlada Imaaraadka Carabta ay ficiladaas ku garbineyso Shirkada, waxa ayna dowlada Somalia ugu baaqeen inay qaado talaabo lid ku ah shirkada.

Dowladahaasi ayaa sheegay in quwada Shirkadda DP World ay tahay mid ku taagan Dowlada Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga oo ay ka mideysan yihiin Xulafo ahaan.

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay in Khilaafaadka kala dhexeeya Somalia ay u isticmaaleyso Shirkadda DP World oo maamul ahaan hoostagta, waxa ayna sidoo kale ku doonayaan in awooda Shirkadda DP World ay u isticmaalaan kala goynta Somalia.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Somalia C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa isna qaba in dowlada Somalia ay la gudboontahay inay qaado talaabo kala fogeyneysa xiriirka labada dal.

Waxa uu C/kariin Guuleed sheegay in Dowlada Somalia laga doonaayo inay dalka dib ugu soo celiso Safiirka Somalia u fadhiya dalka Imaaraadka.

Sidoo kale, awoodaha ay isticmaaleyso Shirkadda DP World ayaa waxaa qeyb weyn ka ah dowlada Sacuudiga oo iyadu ku garab ah dowlada Imaaraadka Carabta, waxa uuna Ujeedku yahay in Sacuudiga loo isticmaalo xalinta Khilaafka goortii uu arinku faraha kabaxo.

Si kastaba ha ahaatee, Shirkadda DP World ayaa u muuqaneysa mid loo adeegsanaayo awoodo kale, waxaana dowlada Somalia loogu baaqay inay jarto gabi ahaan xiriirka kala dhexeeya Imaaraadka maadaama uu sii kordhaayo khaladaadkeeda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com