C/kariin Guuleed: “Waa in si degdeg ah loogu yeero safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, si..”

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Galmudug, soona noqday Wasiir ka tirsan xukuumadii hore ee Soomaaliya ayaa soo jeediyey in dowladda Soomaaliya ay tallaabo ka qaado xadgudubka ay shirkadda DP World ku sameysay madax bannaanida Soomaaliya.

“Warka kasoo yeeray Maareeyaha Shirkadda DP World Suldan binu Saxiim ma aha wax loo dulqaadan karo, waana wax taabanaya midnimada iyo madaxbanaanida dalka iyo dadka Soomaaliyeed..” ayuu yiri C/kariin Guuleed oo dowladda Soomaaliya u soo jiiday inay qaado tallaabooyin adag oo loogu jawaabayo Imaaraadka.

Wuxuu soo jeediyay in si degdeg ah loogu yeero safiirka UAE u fadhiya Soomaaliya si wax looga waydiiyo arinkaan cabasho rasmi ah loogu gudbiyo, iyo in rasmi ah loo joojiyo hawlaha shirkadda DP World ay ka wado Barbera iyo Boosaso ilaa cudurdaar rasmi ah laga bixiyo xadgudubka lana marsiiyo heshiisyada shirkadda habraaca sharciyeed ah ee dalka u yaala.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com