Muuqal: C/raxmaan Cirro oo kashifay khiyaamo & Sharci darro ku jirta heshiiska Dekadda Berbera ee Itoobiya lagu biiriyey

Hargeysa (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa ka Hor yimid Heshiiska Saddex Geesodka ah ee magaalada Abu Dhabi ay ku kala saxixdeen Somaliland, Itoobiya Iyo Shirkada DP World.

C/raxmaan Maxmed C/llaahi Cirro ayaa sheegay in heshiiskaasi uu jebinayo heshiiskii hore ee ay ansixiyeen Golayaasha Somaliland, wuxuuna soo qaatay Qodobka 15-aad ee heshiiskii hore oo ahaa mid laba dhinac ka kooban, isla markaana muddo 5 sano ah diidaya in cid kle lagu sii biirin karo.

Arrinta uu qarxiyey guddoomiyaha Xisbiga Wadani ee Somaliland ayaa qeyb ka ah diidmo weyn oo laga hor keenay Saami ay Itoobiya ku yeelatay dekadda Berbera oo aan la ogeyn waxa ay ku muteysatay.

C/raxmaan Cirro ayaa madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi ka dalbaday inuu shacabka la wadaago waxa dhacay iyo weliba fashilka ku yimid mashruucii Imaaraadku maalgeliyey ee Xubno weyne, kaasoo muddo 10 sanadood ah socday.

Halkaan hoose ka daawo Muuqaalka arrintaan ku saabsan:

 

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com