Madaxweyne Farmaajo oo kormeeray xerooyin ciidan Iyada oo aan wadooyinka loo xirin

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta waxaa uu booqasho kormeer ah ku tagay qaar kamid ah xeryaha Milatariga Soomaaliya ee ku yaala magaalada Muqdisho.

inta maanta uu socday kormeerka madaxweynaha ayaanan la xirin wadooyinka magalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kormeerkiisii ugu horeeyay Maanta ku tegay Xerada Bangala ee degmada Deeyniile oo ay deganyihin cutubyo katisan xooga dalka isagoo kula hadlay halkaasi.

sidoo kale madaxweynaha ayaa tagay xero ay ciidanka Milatariga Soomaaliya deganyihiin oo ku taala warshadda hore ee Nac naca  ee degmada Wadajir .

Madaxweyne Farmaajo ayaa kormeerkiisa Maanta wax saameyn ah ku yeelan Shacabka Muqdisho isla markaana aanan wadooyinka loo xirin xili la ogaa in Wadooyinka loo xiri jiray madaxda markii ay kormeero sameynayaan sidaan oo kale.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com