Xildhibaan Odowaa: “Waxaan u qaadaneynaa in xukuumadda wax ka ogtahay heshiiska dekadda Berbera, haddii aysan….”

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay in midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya way tahay lama taabtaan, isla markaana aan loo dulqaadan karin xadgudubka midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

Hadalka Odowaa ayaa jawaab u ahaa madaxa shirkadda DP World kasoo yeeray oo ku saabsan in dowladda Federaalka Soomaaliya aysan waxba ka quseyn Somaliland, isla markaana aanay shaqo ku lahayn, waxna ka sameyn karin heshiiska Dekadda Berbera ee ay la galeen Somaliland.

“Heshiiskani (Dekadda Berbera ee lagu galay Imaaraadka) wuxuu xitaa xadgudub ku yahay maamulka Somaliland oo Dekaddii ay maamulayeen ka qaatay saami dhan 30%, intii kalana u ogolaaday dalal shisheeye.” ayuu yiri Xildhibnaanka oo tallooyinka soo socda u soo jeediyay xukuumadda Soomaaliya

1- In loo yeero safiirka UAE u fadhiya Soomaaliya lagana waraystaa mawqifkooda ku aaddan midnimada Soomaaliya.

2- In dhammaan heshiisyada DP World ee Soomaaliya la joojiyaa sida kan Berbera iyo Bosaaso (maaddaama aysan oggolaan xukumadda Federaalka ah, barlamaankuna uusan ansixin labada heshiisba).

  1. Haddii aysan xukuumaddu qaadin tallaabooyin cad cad oo aan aheyn baaq kaliya, waxaan u qaadanaynaa in ay arrimahan wax ka og tahay, kumana filla baaq oo kaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com