Guddoomiyaha baarlamanka Hirshabelle oo magacaabay guddiga doorashada madaxweynaha

By Saalax Saciid Sabriye

Jowhar (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay sagaalka xubnood ee ah guddiga doorashada Madaxweynaha Hirshabelle, kuwaas oo diyaarin doono doorasho cusub oo ka dhacdo Jowhar maadaama madaxweynihii hore xilka laga qaaday.

Guddigan oo ka kooban sagaal xubnood oo dhamaantood rag ah ayaa waxaa guddoomiye loogaga dhigey Maxamuud Xuseen Yuusuf halka ay guddoomiye ku xigeeno ka yihiin Abuukar Xasan Cali iyo Cabdulaahi Maxamed Caddow, halka xoghaynta guddigana uu yahay Ismaaciil Maxamed Nuur.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso waraaqda