Akhriso: Imisa dil ayaa ka dhacay Muqdisho kadib magacaabida wasiirka Amniga? (March iyo April)

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa March 21, 2017 magacaabay Golihiisa Wasiirada Xukuumada Somalia, iyadoo wixii ka danbeeyay magacaabida ay kordheen dilalka ka dhaca magaalada Muqdisho.

Dilalka ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa u muuqday kuwo lala kowsanaayay magacaabida Wasiirka Amniga Xukuumada Somalia, iyadoo tan iyo markii la magacaabay Golaha ay magaalada Muqdisho ka dhaceen kiisaskii ugu badnaa ee dilal ah.

Kiisaska Dilalka ah ee dhacay ayaa dhan 31 dil oo loo geystay Mas’uuliyiin, Saraakiil, Ciidamo iyo dad shibil ah.

HOOS KA AKHRISO DILALKA IYO XILIYADA AY DHACEEN:

1-March 25, 2017, waxaa weerar loo adeegsaday gaari nooca raaxada ah lagu dilay Xoghayihii Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir C/raxmaan Sheekh Axmed Calasow, iyadoo sidoo kale la dhaawacay Guddoomiye Waaxeed la socday.

2- March 25, 2017, waxaa Buundada Ansalooti gaar ahaan dhanka Degmada Xamar Jajab lagu dilay Shaqaale ka tirsan Wasaarada Waxbarashada oo lagu magacaabo Mukhtaar Maxamed khayre.

3-March 27, 2017, waxaa Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho lagu dilay Askari ka tirsan Ciidamada Nabadsugida oo lagu magacaabo Daadirey.

4-March 28-03-2017, Askari ka tirsan ilaalada Garoonka Aadan Cadde ayaa albaabka hore ee Garoonka ku dilay Haweeney Safar aheyd.

5-March 28, 2017, Askari ka tirsan Ciidamada Dowlada ayaa laba wiil oo Arday ah ku dilay Degmada Dharkeynley, gaar ahaan Garoonka Kubadda Cagta ee Dhame Yaasiin kuwaa oo diiday inay bixiyaan 2,000 oo Sh.So ah.

6-March 28, 2017, Askari ka tirsan Ciidamada NISA oo lagu magacaabi jiray Anas ayaa lagu dilay xaafada Buur-dheere Degmada Waaberi, waxaana sidoo kale la dhaawacay Askari lagu magacaabo Ibraahim Shigshigow oo la socday.

7-March 30, 2017, Degmada Wardhiigleey, gaar ahaan Suuqa Siinaay ayaa waxaa lagu dilay C/laahi gacmo Gaab oo kamid ahaa Waardiyayaasha suuqa Siinaay, waxaana dilay Maleeshiyaad Bastoolado ku hubeysnaa.

8-Apr 2, 2017, Weerar ayaa lagu qaaday Gaari ay la socdeen Howlwadeeno ka tirsan Wasaarada Maaliyada waxa uuna weerarkaasi ka dhacay Degmada Wardhiigley iyadoo lagu dilay Darawalka laguna dhaawacay labo kale.

9-April 3, 2017, Maleeshiyaad Hubeysan ayaa Suuqa Siinaay ee degmada Wartanabadda ku dilay Xaliimo Cabdi Xayle oo suuqa ku iibin jirtay dharka huudheyda.

10-April 2, 2017, waxaa eeryada Isgooyska shaqaalaha lagu dilay nin lagu magacaabo Liibaan Muxudiin Cadaan oo xiliga dilkiisa waday Mooto Bajaaj.

11-April 4, 2017, waxaa Degmada Dayniile, gaar ahaan Ceelka Tusbaxle lagu weeraray Sargaal ka tirsanaa Milliteriga Somalia waxaana weerarka ku dhaawacmay 3 Sargaal.

12-April 7, 2017, Labo Nin oo watay Toorey, sida la sheegayna walaalo ahaa ayaa ay Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir gaar ahaan xaafada Mac-macaanka ku dileen nin kale oo rayid ahaa, waxaana Labada Nin ay wateen Mooto-bajaaj.

13-April 8, 2017, Kooxo hubeysan ayaa Isgoyska Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ku dilay Askari la sheegay in uu ka tirsanaa Ciidamada dowladda Soomaaliya, waxa ayna dilka kadib horay usii qaaten qorigii uu watay Askariga.

14-April 9, 2017, Askari ka tirsan Ciidamada Dowlada ayaa lagu dilay Suuqa Bakaaraha gaar ahaan suuqa sarif yaraha.

15-April, 04-2017, Kooxo ku hubeysnaa Hub iyo Gaari ayaa weerar ku qaaday Taliyaha Saldhiga Degmada Wadajir Captan Cabdi Baasit Maxamuud.

16-Apr 13, 2017, Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa aga-gaarka isgooska Labo-dhagax ku dileen Nabadoon Shire Jimcaale Doongaale.

17-April 14, 2017, Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa Askari ka tirsan Dowladda hoose ku dilay Suuqa Beerta ee Degmada Waabari ee Magaalada Muqdisho.

18-April 15, 2017, Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa Degmada Xamar Jajab ku dilay Sargaal ka tirsan Madaxtooyada Somalia oo lagu magacaabo Maxamed Axmed Cali iyo nin kale oo la socday oo lagu magacaabo Boqol.

19-April 16, 2017, Waxaa degmada Warta Nabada, gaar ahaan Isgooyska Siinaay lagu dilay ruux shacab ah, oo reerkii horay loogu wada dilay isla Isgooyskaasi, waxa uuna ahaa shaqsigii ugu danbeeyay qoyska ee la dilo.

20-April 20, 2017, Askari ka tirsan ciidamada Dowlada ayaa lagu dilay Isgoyska Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

21-April 21, 2017, Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa duleedka magaalada Muqdisho ku dilay 2 askari oo lagu kala magacaabi jiray ibraahin Maxamed iyo Xasan Cabdi.

22-April 21, 2017, Askari ka tirsan ciidamada Dowlada ayaa lagu dilay Isgooyska Bakaaraha xili uu saarnaa Gaari BL ah oo kusii jeeday Isgooyska Debka.

23-April 22, 2017, Kooxo hubeysnaa ayaa qof shacab ah ku dilay Nawaaxiga Isgoyska Digfeer ee degmada Hodan.

24-Apr 23, 2017, Gaadiid galbinaayay Madaxweynaha Somalia ayaa afafka hore ee Villa Somalia ku dilay marxuum Tahliil Jimcaale Hubane.

25-April 24, 2017, Kooxo Bastoolad ku hubeysan ayaa weerar ku qaaday mooto uu la socday Askari iyo wiil arday ah oo maraayay Isgooyska Bakaaraha waxaana weerarka ku dhintay wadahada mootada.

26-Apr 24, 2017, Isgooska KM4 ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu dilay wiil lagu magacaabo Axmed Cali Xassan oo gaari caasi ah kirishboy ka ahaa.

27-April 24, 2017, Kooxo hubeysnaa oo gaari ku socday ayaa Degmada Hiliwaa ku dilay Askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda.

28-Apr 27, 2017, Kooxo bastoolado ku hubeysnaa ayaa Isgoyska Maana-boolyo ee dhanka Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir ku dilay Mas’uul xilal kala duwan kasoo qabtay Hay’adda NISA oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Xaaji.

29-Apr 27, 2017, Kooxo hubeysan ayaa Degmada Wada jir ku dilay nin lagu magacaabo Mustaf Maxamed Wehliye.

30-Apr 27, 2017, Kooxo hubeysan ayaa Degmada Wada jir ku dilay nin lagu magacaabo Saney Maxamed Wehliye oo la dhashay ninka ku xusan Lamberka (29).

31-April 28, 2017, Ciidamada Dowlada ayaa Isgoyska Dan-wadaagta ee Degmada Wadajir

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET