Guddoomiye ka mid noqday dadkii ku dhintay qaraxii Muqdisho (Sawir)

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Qarax galabnimadii shalay ka dhacay wadada Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho, gaar ahaan ka soo horjeedka Shaneemo Soomaali, halkaasi oo ay ku tiilay Maqaaxi lagu magacaabo Italian Coffee.

Qaraxa ayaa sida aan horay u sheegnay waxaa ku dhintay inkabadan 10 ruux, halka sidoo kale uu dhaawac kasoo garay tiro kabadan Sideed ruux oo gabi ahaan shacab ahaa.

Gudoomiyahii degmada Kuntuwaarey ee gobolka Shabeellaha hoose Cabdiraxmaan Sabdow Daahir ayaa la shaaciyey inuu ka mid ahaa dadkii shalay ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Maqaaxi lagu magacaabo Italian Coffee.

C/raxmaan ayaa ka mid ahaa guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Shabeellaha hoose ee Dibad-joogga ku ahaa Magaalada Muqdisho, kuwaasoo aysan u suurta gelin inay tagaan Deegaanada xilalka ay ka hayaan.

C/raxmaan, ayaa ku sugnaa afafka hore ee goobta uu Qaraxa ka dhacay, waxa uuna xiligaa ahaa mid ku shaahaayay goobta.

Meydka C/raxmaan, ayaa ahaa mid uu saameyn ba’an ku yeeshay Qaraxa, waxaana jiray xubno uu jaray Qaraxa.

Gudoomiyihii Kuntuwaareey ee Sh/hooose, C/raxmaan ayaa goordhow oo maanta ah lagu aasay magaalada Muqdisho.

Geesta kale, dadka dhintay ayaa waxaa ku jiray qurba joog iyo Macalimiin Iskuul.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET