Akhriso: Liiska magacyada xubnaha uu magacaabay Xasan iyo beelo iska waayey

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee mar labaad la doortay Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddada toddobaadka ah ee uu xafiiska joogo, tan iyo markii uu xukunka kala wareegay Farmaajo 23-kii May, waxa uu magacaabayo xilal dhowr ah.

Xasan Sheekh ayaa sameeyey magacaabis u badan shaqaalaha iyo madaxda madaxtooyada ee sida gaarka ah xafiiskiisa kala shaqeyn doona, waxaana si rasmi ah loo magacaabay mas’uuliyiin ku dhow 10 xubnood, halka magacaabista aan rasmi aheyn ay kasii badan tahay.

Liiska mas’uuliyiinta uu magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud muddo asbuuc ah ayaa kala ah:

1 -Agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya: Xuseen Sheekh Maxamuud
2- Agaasime ku xigeenka madaxtooyada: Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan
3- La-taliyaha amniga qaranka: Xuseen Macalin Maxamuud Sheeikh Cali
4 – Ergeyga gaarka ah ee u qaabilsan arrimaa gurmadka abaaraha Soomaaliya: Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
5 – La-taliyaha sharciga madaxweynaha JFS: Ibraahim Iidle Suleeymaan
6- La-taliyaha siyaasadda iyo xiriirka baarlamaanka Zakariye Xasan Cali (Gaashaan)
7- La –taliyaha dhaqaalaha ee madaxweynaha JFS: Xasan Caddow Hosow

Ka sokow 7-da mas’uul ee sida rasmiga ah loo shaaciyey magacaabistooda, waxaa weli wareegto madaxweyne kusoo bixin ama aan la shaacin mas’uuliyiin ay kamid yihiin:

  1. Agaasimaha hey’adda NISA: Mahad Maxamed Salaad
  2. Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya: Cabdikariin Cali Kaar

Iyo illaa afar xubnood oo loo magacaabay agaasimayaal kamid ah madaxtooyada Soomaaliya, waxaana dad badan ay dood ka keeneen in xubnahaan la magacaabay inay ku kooban yihiin awood qeybsi ahaan beesha uu kasoo jeedo madaxweynaha iyo hal beel oo kale, iyadoo ugu yaraan 2 beelood aanay weli wax xil ah ka helin mas’uuliyiinta la magacaabay.

Magacaabista ugu weyn ee madaxweyne Xasan Sheekh laga sugayo ayaa ah xilka ra’isul wasaaraha oo ka imaan doono Beesha Daarood, kaasoo awood qeybsi ahaan ay u leedahay beesha ugu weyn ee hadda ka cabaneysa in xilalka madaxtooyada aan waxba laga siin ee lagu soo koobay inta badan beesha madaxweynaha.

Xigasho: goobjooge