Muqdisho (Caasimada Online) – Shabakada Caasimada Online ayaa heshay qeyb kamid ah Xilalkii uu magacaabay Madaxweynaha maamulka Puntland tan iyo markii xilkaasi uu qabtay.
Siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanada Puntland ee kasoo horjeeda Siyaasada C/wali Gaas, ayaa dhaliilay qaabka uu Gaas u daadihinaayo Siyaasada Puntland, waxa ayna qaarkood qabaan inuu yahay shaqsi kali-talis ah.
Siyaasiyiinta aan la dhacsaneyn Siyaasada Gaas, ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweyne Gaas uu leeyahay La-taliyayaal aan miisaan laheyn , kuwaasi oo lagu eedeeyay in arragtidooda ay dhaafi la’ dahay Beelaha ay kasoo jeedan.
Siyaasiyiinta ayaa sidoo kale, Gaas ku dhaliilay in dhamaan xilalkaasi uu u magacaabay dhalinyaro aan ka dhisneyn Siyaasada dalka kuwaasi oo ujeedka xilalka loogu dhiibay ay tahay inaysan ka hor imaan Siyaasada C/wali Gaas.
Dadkaani qaarkood ayaa xilalka loogu magacaabay ballanqaad uu xili hore u sameeyay Gaas, kuwaasi oo kaalin ka qaatay doorashadii uu Gaas kusoo baxay.
HOOS KA AKHRISO LIISKA MAS’UULIYIINTA UU GAAS MAGACAABAY:
Xilka Mas’uulka iyo Qabiilka/Lafta uu kasoo jeedo
1-Hay’adda Jidadka Puntland ee PHA Maxamud cabdi nuur (Cumar Maxamud)
2-Hay’adda Asteynta & Maamul wanaaga Cabdiraxmaan Cali (Ciise Maxamuud)
3-Hay’adda Maalgashiga& Horumarita PIDA Cabdinaasir Maxamud Guray (Cumar Maxamud)
4-Hay’adda Maareynta Masiibooyinka C/laahi Maxamed Ceyrow (Ciise Maxamuud)
5-Hay’adda Horumarinta & Cilmibaarista(PDRC) C/raxmaan Shuuke (Cumar Maxamud)
6-Hay’adda Tamarta iyo Korontada PASWEN Abshir Muuse (Cismaan Maxamud)
7-Hay’adda Shaqaalaha Rayidka Mustaf Saciid Shabac (Cismaan Maxamud)
8-Agaasimaha Guud Kallumaysiga C/waaxid Joocaar (Cumar Maxamuud)
9-Agaasimaha Guu Dimuqraadiyada Xuseen Cabdi Jaamac (Cumar Maxamuud)
10-Agaasiaha guud Duulista hawada Amiin Xaaji Khayr (Cismaan Maxamuud)
11-Agasimaha Guud Dakhliga Maliyada Cismaan Buux (Cismaan Maxamuud)
12-Agaasimaha Guud Arrimaha Gudaha C/Laahi (Ciise Maxamuud)
13-Agaasimaha Guud Deegaanka Maxamed C/Qadir (Ciise Maxamuud)
14-Agaasimaha Guud Sarasiin Cabdinaasir Biixi (Cumar Maxamuud)
15-Xog-hayaha Guud Rugta Ganacsiga Axmed Taaran (Cismaan Maxamuud)
16-Gudoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Tigay (Cumar Maxamuud)
17-Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cabd-Qani Xaashi Cali (BUMBO Ciise Maxamuud)
18-Gudoomiyaha Gobolka Karkaar Cabdi-Quraan Maxamed Aadan (Cismaan Maxamud)
Xilalka Saraakiisha la magacaabay iyo Qabiilka/Lafta uu kasoo jeedo
19-Taliyaha Booliiska Puntland Gen. Maxamed Saciid Jaqanaf (Cismaan Maxamuud)
20-Taliye xigeenkaBooliiska Gen Muxiydiin Axmed Muuse (Ciise Maxamuud)
21-Taliyaha Darawiishta iyo Xooga Dalka Gen. Saciid Maxamed Xirsi (Ciise Maxamuud)
22-Taliyaha Ciidanka Wadooyinka Maxamed Aadan faniin (Cismaan Maxamuud)
23-Taliyaha Buurta Galgala Sumaysane (Cumar Maxamud)
24-Taliyaha Qeybta Bari C/xakiin Yuusuf (Cumar Maxamuud)
25-Taliyaha ku xigeenka Qeyba Bari Jaqanaf (Cismaan Maxamuud)
26-Taliyaha Birmadka Mudug Gabagabi (Cumar Maxamuud)
27-Taliyaha Daawiishta Mudug Cabdi Xagaafe (Cumar Maxamuud)
28-Taliyaha Qeybta Nugaal Qaan qaa (Ciise Maxamuud)
29-Taliyaha Qeybta Qardho C/Qaadir X khayr Bashka (Cismaan Maxamuud)
30-Taliyayaasha Saldhigyada Bosaaso Bartamaha Garas (Cismaan Maxamud)
31-Taliyaha Ciidanka PSF Giijaale (Cismaan Maxamuud)
32-Taliyaha Dekeda Bosaaso Maxamed Cali Xashi (Ciise Maxamuud)
33-Taliyaha Airport-ka Bosaaso Xasan shire Aman (Cismaan Maxamuud)
Caasimada Online
Xfiiska Muqdisho
[email protected]

