Muqdisho (Caasimada Online) – Weerarkaani khasaaraha dhaliyay ayaa waxaa lagu qaaday xeeb iyo hoteello ku yaal dalka Ivory Coast ee dhaca qaaradda Afrika.
Weerarkaani ayaa waxaa qaaday Kooxo falaago ah, waxa ayna halkaasi ku dileen dad farabadan oo u badnaa kuwo xiligaasi fadhiyay xeebta.
Weerarka ayaa waxaa ku dhintay 14 qof oo rayid ah iyo laba askeri, kuwaasi oo ku kala sugnaa gudaha iyo banaanka Hoteelka.
Madaxweynaha dalka Ivory Coast, Alassane Ouattara, ayaa sheegay in weerarkaasi uu yahay mid argagixiso isla markaana ay ka tashandoonaan.















