Akhriso Liiska Musharaxiinta Sanbaloolshe kula tartameysa Doorashada beri ka dhaceysa Jowhar

Beledweyne (Caasimada Online)-Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle ayaa waxaa lagu wadaa in maalinta berri oo ku began Sabti lagu qabto doorashada Kursiga Xildhibaanimo ee Beesha Cali Madaxweyne.

Xubnaha Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaran oo ku sugan magaalada Jowhar, ayaa shaaca ka qaaday in doorashada Kursiga ay qabsoomi doonto maalinta beri ah.

Guddiga ayaa musharaxiinta iyo Ergada dooraneysa ku wargaliyay inay iska soo xaadiriyaan magaalada Jowhar oo ay ka dhici doonto doorashada.

Musharaxiinta ku tartamaya kursigaas ayuu gudiga sheegay inay gaarayaan ilaa lix musharax oo mid ka mid ay tahay Dumar.

Kursiga lagu tartamaayo ayaa waxaa horay u waayay C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, kadib markii loo magacaabay xilkii Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka.

Guddiga oo si hordhaca ah uga hadlaayay musharaxiinta ayaa sheegay in ilaa iyo hadda ay is diiwaan galiyeen Lixda Musharax ee kursiga ku loolamaya oo buuxiyay dhammaan shuruudihii looga baahnaa.

Guddiga ayaa sheegay in musharaxiintaas ay bixiyeen lacagaha laga doonaayay ee aheyd $5,000 kun oo dollar-ka Mareykanka ah.

Sanbaloolshe oo kursigan Xildhibaanimo ee beeshiisa ku guuleystay sanadkii 2016 ayaa mar kale u cad cad, hase ahaatee waxaa loolan kala kulmayaa Musharaxiin ay isku heyb yihiin, kuwoo horay uga soo muuqday xilal kala duwan.

HOOS KA AKHRISO LIISKA MUSHARAXIINTA KU TARTAMEYSA KURSIGA

(1)-Cali C/llaahi Cosoble  (2)-C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe

(3)-Dahir Cabdulle Cawaale (4)- Nuur Iidow Beyle

(5)- Dahabo Xasan Axmed  (6)- Xuseen Axmed Geelle

Caasimada Online

Xafiiska Beledweyne

Caasimada@live.com