DFS oo si kulul uga jawaabtay haddal kasoo yeeray Madaxweynaha dalka Eritrea

Nairobi (Caasimada Online)-Dowlada Somalia ayaa si kulul uga jawaabtay haddal dhawaan kasoo yeeray Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afewerki.

Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afewerki, ayaa todobaadkii hore mar uu ka soo laabtay dalka Masar isaga oo ka hadlayay kaalinta Turkiga ee Somalia sheegay inuu jiro xadgudubyo ay dowlada Turkiga kawado Somalia.

Isaias Afewerki, waxaa uu sheegay in howlaha Turkiga uu ka wada Somalia ay yihiin wax aan haba yaraatee la aqbali Karin, isagoo tilmaamay inay dhibaato ku yihiin Siyaasada Africa.

Isaias Afewerki, waxa uu sheegay in dowlada Turkiga ay caqabad ku tahay degnaanshiyaha iyo ganacsiga Africa, waxa uuna cod dheer ku sheegay in Siyaasadda Turkiga ee ku wajahan Somalia iyo Sudan ay hoos u dhigeyso rajadii laga lahaa Africa.

Waxa uu Isaias Afewerki, sheegay in dowlada Turkiga ay dhismo dib loogu soo celinaayo bilicda iyo Saldhigyo militeri kawado Somalia iyo Sudan, kuwaa oo mustaqbalka dhow carqaladeynkara ayuu yiri dalalka quwada Militeri ku dhex leh Africa.

Isaias Afewerki, ayaa tusaale u soo qaatay Saldhigga Milatri ee Turkiga dhisay Somalia, waxa uuna sheegay in Saldhigaasi uu qalalaaso amni u keenikaro Africa.

Nuqul kamid ah haddalka Isaias Afewerki, ayaa ahaa ‘’Maaha inaan Turkiga ku fiirsanaa dhismooyinka uu kawado Somalia iyo Sudaan, waxaa socda dhismaha Saldhigyo Militery oo mustaqbalka dhow la doonaayo in Turkiga uu ka gumaado dalalka Africa, Asia iyo kuwa kale ee quwada leh’’

‘’Waa inaan ka hortagnaa talaabooyinka uu Turkiga ka dhex fulinaayo Somalia iyo Sudan, waayo waxaan la socnaa inay yihiin laba dal oo aan ku wanaagsaneyn dhanka Militeriga’’

Waxaa dowlada Somalia uga jawaabay haddalka Madaxweyne Isaias Afewerki, Danjiraha Somalia u fadhiya magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia Maxamed Cali Nur.

Danjiraha oo wareysi gaara siinaayay wakaalada wararka Anadol ayaa sheegay in hadalka Isaias Afewerki uu yahay mid gef ah, waxaana uu xusay in haddii doorka Turkiga ee Somalia uusan u cuntameyn uu u cunatamayo malaayiin Soomaali ah.

“Haddii dowladda Madaxweyne  Isaias Afwerki, aysan ku faraxsaneyn doorka Turkiga ee Somalia, annaga iyo Gobolka ayaa ku faraxsan waxaan kula talin lahaa inuu ka aamuso”.

Danjiraha waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay haddalka Isaias Afewerki u fasiran doonto mid lagu carqaladeynaayo xasiloonida Somalia, waxa uuna ku baaqay inuu ku ekaado amuuraha dalkiisa.

Sidoo kale, Danjiraha ayaa sheegay in Somalia ay aad ugu niyadsan tahay inuu xiriir kala dhexeeyo Dowlada Turkiga isla markaana ay aad usoo dhaweynayaan dhammaan horumarada ka socda Somalia.

Dhinaca kale, booqashada Isaias Afewerki ee Masar ayaa sabab u noqotay xiriirka wadankiisa kala dhexeeyay Sudan oo go’ay.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

Caasimada@live.com