Akhriso: Madaxda DF iyo maamul goboleedyada oo ka heshiiyay qodobadii ugu adkaa

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida aad wararkeenii hore ku akhrisateen waxaa soo dhamaaday kulankii Magaalada Muqdisho uga socday madaxda Maamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe kaasoo socday muddo 8 maalin ah.

Kulankaan ayaa ugu dambeyn maanta la isku afgartay qodobadii la isku fahmi la’aa muddadii uu socday Kulankaas.

Goor dhow ayaa waxaa soo dhammaatay munaasabadii lagu saxiixay heshiiskaas, waxaana xafladaas khudbado ka jeediyey Madaxweyne Soomaaliya, Ra’isulwasaare Kheyre, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho iyo  Cabdiweli gaas oo ah  Guddoomiyaha Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada.

Markii ay khudbahada dhamaadeen waxaa  qodobada shirkaas kasoo baxay akhriyey Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Cabdi Faarax Saciid Juxa.

Qodobada lagu heshiisyay ayaa waxaa ka mid ahaa

Arrimaha Siyaasadda.

In la isku ixtiraamo cid kasta awoodaha uu dastuurka siinayo iyo in la sameeyo xasilooni siyaasadeed,

Arrimaha Amniga

In dib u habeyn iyo dardar gelin lagu sameeyo Heshiiskii Amniga ee Shirkii London, in dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada si wadajir ah u qaadaan duulaan ka dhan ah Al-habaab, in la xoojiyo dhismaha Ciidamada qalabjka sida.

Dastuurka

in Maamul goboleedyada Baarlamanaadooda laga qeyb geliyo dib u eegista iyo dar dargelinta dastuurka, kaddibna loo soo gudbiyo  Hey’addaha Federaalka iyo Guddiyada madaxa banaan ee Dastuurka.

Madaxda ayaa waxay soo dhoweeyeen hanaanka ay u socoto Doorashada Somaliland ee dhaceysa 13-ka bishan November, waxaana ay u rajeeyeen in si nabadgelyo ay ku soo dhamaadaan.

Wax yar kadib la soco war murtiyeedka oo dhameystiran: