Farmaajo ma waxaa diidan Habar-gidir mise 5 nin oo magac Habar-gidir wata?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Tan iyo markii ay dhalatay dowladda uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaa si weyn uga hor imaaday Shan nin oo ku dadaalayo in la dumiyo dowladda isla markaasna dalka la geliyey foodo siyaasadeed.

Shakhsiyaadka sida weyn uga hor imaaday dowladda Farmaajo waxaa kamid ah Shan nin oo kasoo jeedo Beesha Habargidir oo kala ah:

1) – Xildhibaan Mahad Salaad

2) -nCabdiraxmaan Cabdishakuur

3) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi

4) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa.

5) – Xildhibaan Abshir Bukhaari

Haddaba Waxaa is waydiin mudan Farmaajo ma waxaa diidan Habar-gidir mise 5 nin oo magac Habar-gidir wata?

Beesha Habargidir waa beel weyn oo leh qeybaha kala duwan ee Bulsho ka kooban tahay, waxaana muuqato inaysan diidadeen dowladnimada Soomaaliya isla markaasna jirin inay beeshaas isku raacsan tahay in laga hor imaado dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiye Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ma jirto ilaa hadda meel ay qeybaha kala duwan ee Beeshaas ku shireen ayna ku heshiiyeen inay ka hor imaadaan dowladda Farmaajo, balse sida muuqato waxaa socdo olole ay dad gaar ah wataan oo aan la ogeyn  meesha uu kusoo dhammaan doono.

Taasoo ay jirto, haddana waxaa magacaas ku qaraabanayo Shanta nin ee aan kor kusoo sheegnay oo leh dano gaar ah oo aan ka shaqeeneyn midda beeshooda iyo midda guud ee Soomaalida.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com