Baladweyne (Caasimada Online) – Madaxweynihii xilka laga qaaday ee dowlad Goboleedka HirShabeelle Cali C/llaahi Cosoble, ayaa qaaday tallaabo sharciga u ogolaaneyn oo uu ku magacaabay gobolka cusub, isagoo kala qeybiyay Gobolka Hiiraan.
Wareegto uu ku saxiixnaa Cali C/llaahi Cosoble,ayaa waxaa lagu magacaabay Gobolka Shabeellaha Sare kaas oo xaruntiisa laga dhigay degmada Buulo Burde, isaga oo ka koobnaan doona 5 degmo.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in gobolka Hiiraan uu isagana noqonayo 7 degmo oo guud ahaan labada Gobol ay noqonayaan 12 degmo.
Arintaan magacaabista Cosoble, ayaa u muuqata mid uu ku cadeynayo in uu ka maarmo Gobolka Shabeellaha dhexe, waxa ayna sii xoojin kartaa xiisada ka dhex taagan hoggaanka sare ee maamulk HirShabeelle.
Caasimada Online
Xafiiska Baladweyne
[email protected]