Akhriso: Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle oo la saftay isbaheysiga Sacuudiga iyo imaaraadka

Jowhar (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ee dhowaan ay xilka ka qaadeen baarlamaanka maamulkaasi ayaa taageeray isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka.

War qoraal ah oo ku qornaa luqada English-ka ayaa lagu sheegay in xiisada u dhaxeysa dalalka Khaliijka uu saameyn aad u xun oo dhinaca amniga iyo ganacsiga ku yeelan karo Soomaaliya.

Qoraalkan ayaa la mida mid bayaan kasoo baxay madaxtooyada Puntland, wuxuuna ku sheegay in xiisada u dhaxeysa dalalka Khaliijka uu saameyn xun oo dhinaca amniga iyo ganacsiga ku yeelan karto Soomaaliya.

Waxaa uu ugu baaqay dowladda Federaalka inay dib u eegis ku sameyso go’aanka ay ka qaadatay khilaafka Khaliijka, ayna garab istaagto saaxibada dhabta ah ee Soomaaliya oo ah Sacuudiga iyo Imaaraadka, sida lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale war saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dowlad goboleedka Hirshabeelle ay cambaarneyso dowladaha iyo hey’adaha aan dowliga aheyn ee taageera argagixisada Soomaaliya iyo kuwa kale.

Cali Cosonle ayaa sheegay inaan dhex dhexaad laga noqon karin go’aanka ay qaateen dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta, isagoo ugu baaqay dowladda Federaalka inay dib u eegis ku sameyso go’aanka ay ka qaadatay khilaafka Khaliijka, ayna taageerto Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Qoraalka kasoo baxay Cali C/llaahi Cosoble ayaa ah mid soo dib dhacay, isagoo arrintan ku baraarugay markii xilka laga qaaday, inkastoo uu weli sheeganayo inuu yahay madaxweynaha sharcig ah ee Hirshabeelle.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso waraaqda uu soo saaray Cosoble