Akhriso: Maxaa maanta looga hadlay Shirkii golaha wasiirrada ee Xukuumada Somalia?

Muqdisho (Caasimada Online)-Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir guddoominayey Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Shirka ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo uu ugu horeeyo amniga, Warbixin la xiriirta Maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran Hindiya, Tanzania, Cumaan, Uganda, Suudaan iyo wadamo kale.

Ra’isal wasaaraha Somalia Xasan Cali Khayre ayaa faray wasiirka maaliyada Xukuumadda Federaalka Somalia C/raxmaan Ducaalle Bayle in maanta oo Khamiis la bixiyo lacagtii halka Milyan aheyd oo Dowladdu ay ugu deeqday dadkii ay wax yeelladu ka soo gaartay Qaraxii Zoobe.

Waxaa sidoo kale kulanka Golaha Wasiirada looga hadlay xaaladaha amni ee ka jira dalka, waxaana Warbixin laga dhageystay Ku-simaha Agaasimaha Nabad Sugidda Somalia oo ka hadlay xaalada amni ee dalka iyo wixii u qabsoomay, wuxuuna sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen rag abaabulayay Haamo Qaraxyo ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta Federaalka Cabdi Faarax Juxa ayaa Golaha Warbixin ka siiyay shirkii Muqdisho ugu soo gaba gaboobay Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada, kaasi oo looga hadlay Doorashooyinka, Dastuurka iyo arrimo kale.

Waxa ay sidoo kale, Golaha Wasiirada ansixiyeen siyaasadda Qaran ee dhalinayarad oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Dhalinyarada, iyada oo sidoo kale la ansixiyay siyaasadda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka, waxaana ugu dambeyn Golaha loo qeybiyay Miisaaniyada 2018-ka, oo Wasiirada ay soo aqrin doonaan.

Ugu danbeyntii, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumada Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Iidaan Yoonis ayaa warbaahinta u aqriyay waxyaabihii looga hadlay kulankii maanta ee Golaha Wasiiarada Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com