25.1 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Akhriso: Prof. Jawaari oo war deg deg ah caawa soo saaray kuna cadeeyay mowqifkiisa

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)- Xafiiska guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Somalia, Maxamed Cismaan Jawaari ayaa si deg deg ah u beeniyay warar baraha bulshada lagu baahiyay oo sheegayay inuu iscasilayo guddoomiyaha.

Qoraalka ayaa lagu sheegay inuu warkaasi yahay mid been abuur ah oo bulshada lagu jahawareerinaayo, wuxuuna bulshada Soomaaliyeed uu u caddeeyay in warkaasi yahay mid lagu marin habaabinaayo bulshada.

Jawaari ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu mahad celiyay sida ay u garab istaageen sharciga kana soo horjeesteen burburinta baarlamaankooda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News