Akhriso: Puntland oo la safatay xulafada Sacuudiga isla markaasna baaq u dirtay dowladda Somalia

Garoowe (Caasimadda Online) – Maamul Goboleedka Puntland ayaa go’aan lala yaabay ka qaatay xurgufta muddo badan ka dhaxeysay dowladaha Khaliijka oo intooda badan xayiraad saaray dowladda Qatar.

Dowladda Puntland ayaa waraaq u  dirtay xulafada Sacuudiga iyadoo ka dhawaajisay inay si weyn u teegeersan  tahay xayiraada lagu soo rogay dowladda Qatar maadaama ay sheegtay inuu xiriir dhaqaale oo soo jireyn ah ka dhaxeeyo .

Waraaq ku qorneyd afka Ingiriiska oo kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Gaas ayaa lagu sheegay inay Puntland si rasmi ah ula safatay xulafada Sacuudiga ee dagaalka kula jiro dowladda Qatar.

Puntland ayaa waraaqda ay u dirtay Xulafada Sacuudiga ku sheegtay in  Puntland xiriir soo jireen oo ku saleysan amniga iyo ganacsiga uu kala dhexeeyo Imaaraadka iyo Sacuudiga, sidaasi darteedna ay garab taagan yihiin saaxiibadood Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Sidoo kale Puntland ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqday inay ka laabato go’aankii ay ka qaadatay khilaafka dowladaha Khaliijka, haddii kale waxay Puntland sheegtay inay saameeyn ku ku yeelan karto dadka Soomaaliyeed.

Maamulka Puntland ayaa noqonayo maamul Goboleedkii labaad ee taagero Xulafada Sacaduudiga, waxaana horey loo ogaa inay Somaliland markuu dagaalka cusbaa ay taageertay.

Waxay sheegtay Puntland inay cambaareynayso cidkasta oo taageerta argagixisada oo ah waxa walaaca ugu badan laga qabo maanta Soomaaliya, dhamaadka qoraalkan waxaa lagu baaqay in lasoo dhameeyo xiisada khaliijka oo khatar ku ah deganaanshaha gobolka.

  

Haddaba halkaan hoose ayaad ka akhrisan kartaa waraaqdaas oo ku qoran afka Ingiriiska