Akhriso qodobada diirada lagu saari doono shir muhiim ah oo ka furmaaya magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Magaalada Muqdisho waxaa lagu wadaa in uu maanta ka furmo shir looga hadlaayo arrimaha barakacayaasha gudaha iyo Dadka Soomaalida ah ee ka soo laabtay dalka Yemen.

Shirkan oo uu qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa waxaa ka qeybgelaya dowladda Federaalka ah,Dowlad Goboleedyada,Hay’adaha ka shaqeeya arrimaha bani’adamnimada iyo Ururrada Bulshada Rayidka ah.

Qodobada xooga lagu saari doono shirka ayaa waxaa kamid ah:

1-Xaaladda Dhabta ah oo ay ku nool yihiin Barakacayaasha Muqdisho.

2-Xaaladda amni ee kaamamka Barakacayaasha Muqdisho.

3-Aragtida iyo Sharuucyadda dalka ee la xariira Arrimaha Barakacayaasha iyo Qaxootiga soo laabtay.

4-Sida dib u dejin loogu sameyn karo barakacayaasha iyo Sida loogu celin karo meelihii ay ka kala yimaadeen.

Sidoo kale, shirkan ayaa socon doonaa maanta kaliya sida uu qorshuhu yahay,waxaana furmaya madaxda dowladda Federaalka ah iyada oo gaba gabadiisana war murtiyeed laga soo saarayo.

Dhinaca kale, Furitaanka shirka ayaa waxa lagu wadaa in ay ka qeyb galaan madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka gobolka banaadir.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com