‘’Gaadiid lagu soo raray Qaraxyo ayaan qabanay ee shacabku ha muujiyaan dulqaad si loo xaqiijiyo amnigooda’’

Muqdisho (Caasimada Online)-Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa sheegay in xirnaanshiyaha waddooyinka Muqdisho ay yihiin kuwo ay sabab u sameysay dowlada Somalia.

Guddoomiye Yariiswo, waxa uu sheegay in Hay’adaha Amniga ee dowladda  uu kala hadlay Cabasho dadweynaha kasoo gaartay Xirnaashiyaha Wadooyinka Caasimadda.

Waxa uu sheegay in lagu qanciyay sababo dhanka amniga ah, balse uu markii danbe dalbaday in shacabka laga dulqaado culeyska oo aan la xirin waddooyinka aadka u mashquulka badan.

Yariisow ayaa tilmaamay in intii ay xirnaayeen wadooyinka Muqdisho ay  Ciidamada Ammaanka kahor tageen Qaraxyo la damacsanaa in Magaalada laga geysto, taasina ay qeyb ka aheyd asbaabaha loo xiray waddooyinka.

‘’Dadku ma arkaan waxa loo xiray waddooyinka hadda tusaale maalmaha ay xirnaayeen waddooyinka waxa ay ciidamadu gacanta ku dhigeen Gaadiid sida Qaraxyo’’

‘’Shacabku ha muujiyaan dulqaad si loo xaqiijiyo amnigooda,waxaanu u taaganahay ka hortaga weerarada’’

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaa raaciyay in  shacabka  ay ka raaligelinayaan xirnaanshaha wadooyinka, wuxuuna tilmaamay sababta loo xiray wadooyinka in ay aheyd in ammaanka la xaqiijiyo, si looga hortago falal amini xumi oo dhaca.

Dhinaca kale, hadalka gudoomiye Yariisow ayaa imaanaya kadib maalmo ay xernaayeen wadooyinka qaar ee Muqdisho shalay na dib loo furay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com