Agaasimaha DP World : Nama quseeyo hadalka ka soo yeeray dowladda Soomaaliya

Muqdisho (Caasimadda Online)_  Agaasimaha Shirkadda DP World Suldaan Ahmed Bin Suleymaan ayaa ganafka ku dhuftay shadalkii ka soo yeeray dowladda Federaalka Soomaaliya ee ahaa in heshiiskii saddex geesoodka Dekeda Berbera uu ahaa mid sharci darro ah.

“Nama quseeyo waxa ay leedahay dowladda federaalka, somaliland waa dowlad madax banaan 28 sano, waa meel xasilooni oo dimoqraadiyad ka jirto, mashruuceena wuxuu helay ogolaanshaha baarlamanka somaliland, ma awoodi karto inay xukuumadda Federaalka wax bedesho ama hadalo ay jeediyaan oo aan u joojineyno ma jirto”ayuu yiri Agaasimaha DP World oo la hadlayay warbaahinta Imaaraadka Carabta.

Waxaa uu sheegay in xilka ka saaran mashruucan uu yahay sidii ay u ilaalin lahaayeen iyaga iyo kuwa ay saamiga leeyihiin ee Somaliland iyo dowladda Itoobiya.

Halkaan hoose ka daawo Warbixin arrintaan ku saabsan

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com