Akhriso: Qodobada laga soo saaray shir muhiima oo kusoo dhamaaday Dhuusamareeb

Wararka naga soo gaaraya Magaalada dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa sheegaya in halkaa lagu soo gaba gabeeyay shir khaasa oo u dhexeeyay maamulka iyo ganacsatada deegaanada Galmudug.

Shirka ayaa looga hadlayay hormarinta ganacsiga Galmudug waxayna dhinacyada Shirka ay soo saareen Warmurtiyeed ku aadan qodobadii lagu hesheeyay.

Shirka oo diirada lagu saaray horumarinta Ganacsiga degaannada Galmudug oo muddooyinkii dambe ka socday Magaalada Dhuusamareeb ayaa lagu soo gabagabeeyay Magaaladaasi, kaasi oo ay ka qeybgaleen ganacsatada Gobolka Madax ka tirsan Maamulka Galmudug.

HOOS KA AKHRISO WAR MURTIYEEDKA SHIRKA